Somaliland oo diiwaangelisay Kiisas Cusub oo Xannuunka Covid-19

0
5552

Hargeysa-(Dawan)-

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta shaacisay dad Cusub oo laga helay xannuunka Coronavirus.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr Xuseen Maxamed Yuusuf oo warbixinta maalinlaha ah la wadaagay bulshada ayaa sheegay in laga helay xannuunka coronavirus 10 qof kuwaas oo afar ka mid ahi ay u dhasheen Somaliland halka 6-da kale ay yihiin ajaanib.

Sarkaalkani waxa uu intaas ku daray in bukaanadani ay isugu jiraan 9 Rag ah iyo qof dumar ah waxaanu xusay in dadka xannuunkan laga helay ay da’doodu u dhaxayso 20 Jir ilaa 69 Jir.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa uu sheegay in bukaanada xannuunka laga helay ay 7 ka mid ahi ku nool yihiin magaaladda Berbera halka caasimadda hargaysa ay degen yihiin 3 ruux, Waxaa kale oo uu intaas ku daray in xannuunkan uu ka bogsaday hal qof kaas oo ka dhigaya tirada guud ee xannuunka Covid-19 ka bogsaday Boqol iyo Todaba iyo Lixdan qof .

Leave a Reply