Guddoomiyaha Gobolka Sool oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaalamay Horufadhi

0
557

Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo ay mar kale colaad sokeeye ku dhex martay deegaamo ka tirsan Buuhoodle.

Maleeshiyaad hubaysan, ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray maanta deegaanka Horufadhi, kuwaasoo ka soo jeeda beello ay hore shaqaaqo u dhex taallay oo nabadeyntooda lagu guda jiray, waxaana wararku sheegayaan in khasaare nafeed kala gaadhay labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, ayaa colaada soo cusboonaatay ku tilmaamay mid cawaaqim-xumo iyo caqabad ku ah dedaalladii nabadeynta ee socday.

Sidaasina waxa uu ku sheegay warsaxaafaddeed uu soo saaray guddoomiyuhu oo nuqul kamida uu soo gaadhay Wargeyska Dawan, kaasoo u dhignaa sidan:

“Maamulka gobolka & shacabka gobolka Sool oo isku duuban, waxay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay degmada Horufadhi ee Gobolka Buuhoodle. Waxaan si xilkasnnimo leh, oo dhalatooyo/wada-dhalasho leh, ugu boorinnaynaa kana codsannaynaa walaalaha shaydaanku isku dirayo inay joojiyaan colaadda aynu hubno cawaaqib xumada Adduun & Aakhiraba ay leedahahay, lagana dhaxlo.

Maamulka gobolka Sool oo Dad & Degaan-ba garawsan saamaynta colaaddani yeelan karto waxay intay dib u soo cusboonnaatay laba toddobaad ka hor ay qateen dawrka kaga aaddan, waana tii keentay Waftiyadii maamulka, cuqaasha, hal-doorka gobolkan & guutoyin ka mid ah ciidanka Qaranka Somaliland aan ugu dirnay. Hadda & mar kastana waxaa naga go’an inaanu waxba hagran oo tallaabo kasta oo aanu ku soo afjarayno aanu ka gaysano.

Waxaanse cod dheer walaaha labada dhinac ee hadday dhalasho, xididnnimo, xigto, degaan, diin, dhaqan & wax kasta umadi wadaagto ay ka dhaxayso ku gubaabinayaa inay nabadda u hiiliyaan oo folaadkooda Rag iyo dumar-ba leh sida dhallinyarada, culimada yo madax-dhaqameedkuba inay u istagaan daminta colaaddan, maddaama aad idinku fure u noqon kartaan daminteeda.

Waxaad haystaan garabo idinkala shaqeeya xallinta colaaddan, waxaana idanka codsanayaa kuna kal soonahay inaad garasheeda leedihiin qaybta ugu mudan ee ugu muhiimsan inaad qaadataan, si tiirar adag ugu taagno nabadda degaannadaas & walaahiina Hayaag & Hagar, waxaad tihiin tol aan dhalasho iyo degaanba ku kala tegayn inta Adddunkani jiro.

“GAAL & ISLAAM NABADDU WAA U GOGOL NASTEEXAAD ” ” COLAAD WIIL KUMA DHASHEE, WIIL BA KU DHINTA ” .ayuu yidho Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Guddoomiyaha gobolka Sool.

 

Leave a Reply