Madaxweyne ku-xigeenka oo daah-furay Mashruuc udub-dhexaad u ah heerka labaad ee horumarinta Biyaha

0
517

“Qorshahayagu wuxuu yahay in aanu gaadhno ilo-biyoodyada qaranka oo dhan meel kasta oo ay ku yaallaan oo aanu baadhno..”AG. W. Horumarinta Biyaha

“waxa loo baahan yahay in qof kasta oo inaga mid ahi uu Biyaha Roobka qabsado”Madaxweyne ku-xigeenka

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray mishiino nooca Shaybaadhka Biyaha ah oo ay daah-furtay wasaaradda horumarinta Biyuhu.

Mishiinkan Shaybaadhka Biyaha oo wax weyn ka taraya hubinta iyo ilaalinta caafimaadka iyo tayada Biyaha, ayaa lagu daah-furay munaasibad maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Biyaha ee magaalada Hargeysa , taasoo ay ka qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, khubarrada dhanka biyo-soosaarka ee wasaaradda iyo saraakiil ka socday Hay’addaha caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorsheyaasha Wasaaradda ee horumarinta Biyaha qaranka iyo kaalinta uu kaga jiro mashruucan la daah-furay.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay wasaaraddu u gudubtay wajigii labaad ee istaraatiijiyada biyo-soo-saarka, kaasoo ah in uu qaranku helo biyo nadiif ah.
“Wasaaradda Biyuhu waxa ay ku socotaa qorshe ka kooban saddex heer:
heerka koowaad oo ah in qaranku biyo helo, heerka labaad oo ah qaranku in uu helo biyo Nadiif ah iyo heerka saddexaad oo ah in la helo biyaha horumarinta loo yaqaano.

markaa maanta waxaan halkan ku daah-furaynaa Shaybaadhkii biyaha oo inoo suurto gelinaya in aan heerka labaad u gudubno oo ah in qaranku helo biyo nadiif ah oo ka bad-qaba dhamaan waxyaabaha keeni kara xanuunnada”ayuu yidhi Agaasimaha sharaxaad ka bixinayey howlaha Wasaaradda uga meel-yaalla hirgelinta adeeg biyood oo dadka iyo duunyadaba anfaca.

Axmed Cabdi, waxa uu intaasi ku daray “Qorshahayagu wuxuu yahay in aanu gaadhno ilo-biyoodyada qaranka oo dhan meel kasta oo ay ku yaallaan oo aanu baadhno, hadday yihiin Ceel iyo hadday tahay Berked, taasoo ah in aanu soo tijaabo biyahooda dabadeedna meeshii biyaheedu fiican yihiin la horumariyo, meeshii loo arko in biyaheedu khatar ku yihiin caafimaadkana in aanu joojino.
haddii ay awal hore jirtay in Biyo uun la daah-furo, hadda waxa barbar soconaysa in la joojinayo biyaha halista caafimaad qaranka u leh, sidaas darteed wasaarad ahaan waxa noo taalla howl balaadhan oo ah in aanu soo tijaabino dhamaan goobaha Biyaha laga soo saaro, hadday yihiin Ceelal, Balliyada iyo berkeddahaba”ayuu yidhi.

Sarkaal ka socda Hay’adda CARE oo hir-gelinta Mishiinkan kala qayb-qaadatay Wasaaradda, ayaa sheegay in Shaybaadhka Biyuhu door laxaadle ka qaato hubinta bad-qabka caafimaad ee Biyaha bulshadu helayso, mishiinkanina qaranka ka caawinayo ogaanshiyaha biyaha ay ku jiraan macdanaha halista caafimaad ku keeni kara dadka iyo xoollaha.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa daboolka ka qaaday in shaybaadhkan lagu hubin doono dhamaan biyaha dalka lagu isticmaalo oo ay ku jiraan kuwa la warshadeeya “maanta waxaan u gudubnay heer Biyaha la cabayo dad iyo xoolaba aynu hubino caafimaadkooda. Qalabka halkaa yaalla oo isugu jira laba nooc, waxa aynu kala soo baxaynaa wixii aynu uga baahnayn shaybaadhka biyaha”

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyuhu waxa uu farriin u diray Shirkaddaha biyaha soo saara, dadka ceelalsha gacanta lagu qodo samaysta iyo wershadaha sifeeya Biyaha macaan.
“Waxaanu halkan farriin uga diraynaa dhamaanba cid kasta oo biyaha ku shaqo leh oo ay kamid yihiin wershadaha biyaha inoo sifeeyaa dhamaantood halkanbaanu ku baadhaynaa ee haku talo-galaan oo ha ogsoonaadaan in aanay jirin doonin biyihii dadka loo qaybinayey ee ay kartoonkii sanadka yaallay iyo kii ay shalay soo saareen isugu keen soo darayeen ka aqbali maynee halkanbaanu ku baadhi doonaa biyaha ay dadka siiyaan waxa ay yihiin”.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyey in guud ahaan gobolada loo kala diri doono kooxo xog-uruurin ka soo sameeya meelaha Biyaha laga soo saaro iyo goobaha lagu kaydiyaba. “Cid kasta oo biyo dadka waraabisa haku talo-galaan in Koox ka socota Wasaaraddu wareeggi doonaan oo ay tijaabo ka soo qaadi doonaan gobolada oo dhan”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo gabagabadii munaasibada ka hadlay, ayaa wasaaradda ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto horumarinta adeegyada Biyaha.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu dhinaca kale Wasaaradda kula dardaarmay in lagu faro-adaygo mashaariicda waxtarka u leh adeegyada bulshada ee qaranka lagu caawiyo iyo waxqabad kasta oo la hirgeliyo.
“Waxaanu ku adkaynaynaa Wasaaradda in wax kasta oo la inoo qabto aad loo ilaaliyo jiritaankiisa iyo bad-qabkiisa. marka meel la qodo ee kharash badan la geliyo meeshaas qofka haya in isa siiyo ma shaqaynayso ee waa in wasaaraddu gacan adag ku qabato wixii umaddan loo maal-geliyey waa in sidooda loogu ilaaliyaa”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wasaaradda ku booriyey in ay gacanta ku qabato guud ahaan ilaha biyo-soosaarka, taasoo uu dardaarankiisa hore ku ladhay “Wixii umadda loo maal-geliyo ee waxtar u leh ilaalintooda wasaaradda looga fadhiyaa. wax allaale wixii biyo dalka ka soo baxa dhibic hadday noqoto in ay wasaaradda u xisaabsanaataa oo ay idiin diwaan-gashanaadaan”
Madaxweyne ku-xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu dadweynaha u soo jeediyey in laga faa’idaysto biyaha roobka, si looga gaashaanto biyo-yaraan “Biyaha dhulka hoose ku jiraan waa dhamaanayaan, markaa waxa loo baahan yahay in qof kasta oo inaga mid ahi uu Biyaha qabsado, dawladdu maxay biyaha u qaban wayday uun yaan la odhane qof waliba Itaalkiisa waa in uu biyaha qabtaa.
Ninka Bangalada labada boqol ee kun ee doollar ku dhisanayaan in berked laba boqol oo foosto qaada dhisan kari waayaa macquul maaha, markaa qofka bangalada dhisanayaa waa in uu berked u sameeyo oo Biyihii gurigiisa ka dhacayey ay halkaa ugu dhacaan, taasoo yaraynaysa isticmaalka biyaha nadiifta ah”.

Shaybaadhkan oo ay u dhamaystiran yihiin qalabkii uu ku shaqayn lahaa, loona diyaariyey qayb u gaar ah oo ku taalla xarunta Wasaaradda, ayaa qayb ka ah dedaallo is-daba joog ah ay Wasaaradda horumarinta Biyuhu muddooyinkan dambe ku howlanayd, kuwaasoo kor loogu qaadayo baaxada iyo tayada adeegyada Biyaha dalka.

Leave a Reply