Arday ka qayb galay muxaadaro maadada xisaabta ah, ayaa mudadii ay socotay muxaadaradu hurdo qabatay oo gam’ay. Markii ay dhamaatay muxaadaradu ayuu ku toosay buuqii iyo qayladii ardayda waxaanu sabuuradda ku arkay laba su’aalood, si degdeg ah ayuu u qortay si uu uga soo sheqeeyo, waxaana uu u qaatay in macalinku ardayda shaqo guri uga dhigay si ay uga soo sheqeeyaan, waana uu iska baxay isagoon qofna la hadal, madaama ardaydu wada baxday.
Markii uu gurigiisa tegay ayuu labadii su’aalood isku deyay inuu ka sheqeeyo, xaqiiqdii waxay ahaayeen kuwo aad u adag. Maktabadii jaamacadda ayuu la tegay muddo afar maalmood markii ay ku qaadatay ayuu su’aashii koowaad furfuray oo ka sheqeeyay isagoo u cadhaysan macalinkii su’aalaha adag u diray ardayda.
Maalintii danbe markii la soo noqday ayuu macalinka u yimi oo ku yidhi macalin su’aalihii mid keliya ayaan ka soo sheqeeyay waana ay igu adkaadeen, waxaana ay igu qaadatay afar maalmood, waxaan doonayaa inaad wakhti dheeraad ah iigu darto si aan su’aasha labaad uga soo sheqeeyo.
Macalinkii oo yaaban ayaa ku yidhi :”Waar labada su’aalood idiinku maan dirin inaad ka soo shaqaysaan waxay ahaayeen labada su’aalood ee aqoonayahanda xisaabta jawaabtooda ku wareereen oo aan ilaa hadda xalkood la helin”. Haddaba ogow ardaygaasi waxa uu ka sheqeeyay su’aashii ugu adkayd, sababtuna waxay ahayd isagoo aan aaminin in aanu ka shaqayn Karin. Ardaydii kale midkoodna iskuma deyin waayo waxa loo sheegay in khubarada xisaabtu ku daaleen. Ma jiro wax adagi , hawl kasta waad ku guulaysn kartaa.
Qofka oo ku qanca in aanu qaban Karin arin ayaa noqotay tan ka dhigta arrin kasta wax adag.
Haddii ardaygu soo jeedi lahaa oo uu macalinka maqli lahaa , iskuma dayeen inuu ka sheqeeyo waxaana uu aamini lahaa inay adag tahay.