Sidee Lagu Noqon Karaa Maalqabeen!

0
678

Maal qabeenka u dhashay dalka Mexisco Mr. David Michel ayaa shaqo kasta aan ka xishoon, isla markaana aad urursato wax kasta oo aan dadka kale muhimad aanay siinayn. Waxa kale oo uu ku yidhi xusuus qorkiisa : “ Anigu waxaan bilaabay xoola urursiga anigoo 9 sano jiray, oo marka aan dugsiga tegayo ama guriga ku soo noqonayo dariiqa waxaan ka urursan jiray tufaax dhulka lagu tuuro, ka dibna waan maydhi jiray oo dib ayaan uga iibin jiray dadka saboolka ah, wakhtigaasi dadku way igu qosli jireen oo weliba way igu dheeldheeli jireen “

“ Xaaldaasi ayaan ku jiray anigoo weliba wax yar iibiya, laakiin waxaan ahaa mid sabir badan oo weliba rajo wanaagsan.  Ganacsiga ayaa ii koray waxaana aan bilaabay inaan beeralayda toos uga soo iibsado. Ganacsigaygu wuu sii weynaaday muddo 35 sano ah ayaan waday, laakiin markii uu adeerkay oo ahaa maalqabeen weyn oo aan guursan, oo maandooriyaha kootarabaanka u tahriibin jiray Baraasiil dhintay , waxaan dhaxaly maalkiisii aniga oo keligay ah, halkaasi ayaan ku noqday maalqabeen”.

Waxaana uu ku soo xidhay “  Hadda waxaan filayaa inaad fahamteen in aanan maalqabeen ka noqon Tufaaxi qudhmay”.

 

Leave a Reply