UK, Denmark iyo Netherland oo ku Dhawaaqay Mashaariic Laga Fulinaayo Somaliland

0
551

-(Dawan)-Dawladdaha Dalalka UK, Denmark iyo Netherland ayaa Sheegay in Xukuumadda Somaliland ay la saxeexdeen heshiis cusub oo lagu horumarinaayo , Beeraha, Biyaha , Wadooyinka iyo Dekedda laga dhisaayo Magaalo Xebeedka Maydh ee gobolka Sanaag kaasi oo lagu fulinaayo wajiga labaad ee SDF.

 

Mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco, Mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex, Biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa.

 

Halka Mashruuca Afraad ay ku dhisayaan Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag.

 

Saddexda Safiir ee Waddamadan u qaabilsann Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland, waxaanay sidaasi ku sheegeen War-saxafadeed ay si wada jir usoo saareen dalalku.

 

Dalalka UK, Denmark iyo Netherland ayaa Somaliland ka taageera dhinaca horumarka kuwaasi deeqaha ku shuba sanduuqa horumarinta qaranka Somaliland ee SDF waxaanay mashaariicdan qayb ka noqonayaa horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha arrimaha bulshada

 

Leave a Reply