Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo Shaaca ka Qaaday in Golaha Wasiiradu Ansixiyeen Xeerka Bulshada Rayidka ah.

0
708

Hargeysa (Dawan) Wasiirka shaqa galinta arimaha bulshada iyo qoyska ayaa uga xog warantay gudida arrimaha bulshada ee golaha Wakiilladda Xeerka shaqalaha rayidka ah ee Xeer Lambar 31-2004 kasoo kasoo gudbay golaha wasiirada Somaliland.

Wasiirka shaqa galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo faah faahin ka bixisay kulankaasi ayaa sheegtay in ay soo ajiibeen yeedhmadii uga timi gudida arimaha bulshada ee golaha Wakiilada , waxaanay intaa ku dartay in gudidu ay wax talooyin iyo su’aalo ka weydiisay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee xeer lambar 31 -2004 kaas oo ka gudbay golaha wasiirada .

Wasiirku waxay sheegtay in xeerkan aan dib uu eegis lagu samayn in mudo ah islamarkaana ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo golaha wakiiladuna ay waajibkooda qaran ka gutaan.

Geesta kale waxa isaguna ka hadlay halkaasi gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Cisamaan Caalin oo sheegay in ay wasaaradda ugu yeedheen in ay su’aalo iyo talooyin ka weydiiyaan xeerka inta aanay gudo galin lafo gurka xeerka isagoo soo dhaweeyay sida masuuliyada leh ee ay ugu yimaadeen balantii loo qabtay.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply