Daawo Sulaadiin Iyo Xildhibaano Baaq U Diray Colaada ka Bilaabantay Deegaanka Beeyo Macaan

0
1082

Beenyo-macaan (Dawan) Qaar ka mida madax dhaqameedka waa weyn ee reer Somaliland iyo xildhibaano, ayaa ku baaqay in dagaalka  ay joojiyaan labo Beelood oo shaqaaqo ku dhex martay Deegaanka Beeyo Macaan ee Bariga gobolka Saaxil.

Madax dhaqameedkan iyo xildhibaanadan baaqa nabadeed u diray labadan beelood ee walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ayaa kala ah.

Suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali.

Boqor Saleebaan Cabdillaahi Xandule (Gaacir).

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali, xildhibaan Saleebaan Diiriye, Xildhibaan Faarax Muxumed Cabdule (Faarax Dheere) xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Ex-wasiir Cali Siciid Raygal, siyaasi Saleebaan Warsame Guuleed, siyaasi Maxamed Faarax Cali.

Madax dhaqameedkan, xidlhibaanadan, siyaasiyiintan ayaa labadaasi beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Beenyo Macaan ee gobolka Saaxil ugu baaqay in ay xabada joojiyaan oo ay nabad geliyada qaataan, kana taliyaan dadka inta hada nool ayaahooda iyo mustaqbalkooda.

SIdoo kale waxaa ay ILLAAHEY uga baryeen intii dhimatay in uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen, inta dhaawac ahna uu ILLAAHEY u booga dhayo.

Waxaa sidan ay ka sheegeen mar ay warbaahinta kula hadlayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Sawirka Madax Dhaqameed Iyo Xildhibaano Baaq U Diray Colaada Ka Bilaabantay Deedaanka Beeyo Macaan

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply