Madaxweynaha oo Dhambaal Tacsi ah u Diray shacbiga Somaliland Geerida ku Timid ….

0
619

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cumar Maxamed Cali Gaafaadhi oo ku geeriyooday caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo qoyska reer gaafaadhi meel ay kala joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply