Somaliland ; Dawlada Hoose ee Dalka oo laga Mabnuucay laba Arrimood oo Waa weyn oo Hore ay u Qaban Jireen

0
577

Hargeysa (Dawan) Gudida Nashaqadeynta Qaranka oo ay hogaaminayso wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Somaliland ayaa maanta oo bishu tahay 06-07-2020, dawladaha hoose ee Dalka ka joojisay Qorsheynta dhulka Iyo beeraha ilaa inta magaalo kasta ka yeelanayso Qorshynta magaalooyinka

Dhinaca Kale waxa isla maanta Dawladdaha hoose ee dalka laga joojiyey inay bixiyaan wax dhul danguud ah, isla markaasina laga mamnuucay inay ku tagrifalaan dhulka danta-guud.

Waxaana la farayaa dhamaan Maayiradda Dalka inay soo gudbiyaan Dhulkii Danta-guud ee ay qabteen Mudadii ay Xilka hayeen, Iyo Dantii Guud ee ay kala wareegeen Maayiradii Iyo Golayaashi Deegaan ee ka horeeyeey.

Warkan qoraalka ah oo soo gaadhay xafiiska warqabadka mareegta Wargeysyada Dawan ayaa u dhignaa sidan

No photo description available.No photo description available.Image may contain: 6 people, people sitting, table, office and indoor

Leave a Reply