Mudanayaal ka Tirsan Aqalka baarlamaamka Somaliland, oo ka Hadlay  Colaadda ka socota gobolada Sool iyo Saaxil

0
528

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray ardaayo walaalo ah oo shaqaago ku dhexmartay deegaannada Horufadhi iyo Beeyo Macaan oo ka kala tirsan gobollada Saaxil iyo Buuhoodle.

Xildhibaanadan oo kala ahaa Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo labaduba ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Xildhibaan Maxamed faarax Qabile oo ka mida golaha wakiillada ee Somaliland ayaa ardaayada ku diriraaya deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle iyo ardaayada dirirtu ku dhexmartay deegaanka Beeyo Macaan ee gobolka Saaxil waxaa ay si wada jira ugu baaqeen in si dhakhso ah dirirta u joojiyaan lagana shaqeeyo nabadda wada noolaanshaha bulshada.

Xildhibaanadan waxaa kale oo ay u mahadnaqeen cidkasta oo arrinta nabadaynta ardaayadaasi ka qayb qaadanaysa, iyaga oo u rajeeyay in Alle ku guuleeyo xoojinta nabadda, waxaanay ardaayada walaalaha ah kula dardaarmeen in aan la joogin wakhtigii dirirta ee la joogo wakhtigii horumarka loona baahan yahay in dadka garaadkoodu shaqeeyo oo ay ka waantoobaan dhiiga xaaranta ah ee la daadinaayo.

Xildhibaanadan ka tirsan guurtida iyo wakiillada ee baaqa nabadeed u diray ardaayada walaalaha ah waxaa ay sheegeen in shaqaaqooyinka beeluhu ay wax weyn u dhimayaan nabada iyo xasiloonida oo ah mid ay Somaliland ku faanto loona baahan yahay in ardaayadu nabada adkeeyaan.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply