Masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Somaliland oo kormeer shaqo ku tagay magaalada Berbera

0
979

Berbera-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi ayaa maanta kormeer kusoo maray dekedda, madaarka iyo kastamka degmada Berbera, iyagoo  kulanno la qaatay madaxa dekedda Berbera iyo sidoo kale masuuliyiinta shirkadda maamuusha Dekedda ee D.P.World.

Ugu horayn maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa halkaasi hadalo soo dhawayna uga soo jeediyay weftigan uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ee socdaalka ku tagay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, wuxuuna uga warbixiyey hawlaha ka socda dekedda wakhtigan.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire  oo halkaas ka hadlay  ayaa ka xogwaramay safarka shaqo ee ay ku tageen Berbera, isaga oo sheegay in hadafkooda koobaad ahaa xogogaal u noqoshada hawlaha kastamka ee Berbera iyo inay kormeer iyo indho indhayn ay kusoo mareen goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Berbera wuxuuna intaas ku daray inay la kulmeen madaxa shirkadda D.P.World ee dekedda maamusha kana wada hadleen sidii laysku kaashan lahaa, loona fududayn lahaa hawlaha dekedda ka socda.

Leave a Reply