Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka + Sawiro

0
611

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray   Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka ee dalka.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa xadhiga ka jaray laba  xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf  Vehicle Inspection oo ku kala  yaalla Bariga iyo Galbeedka  Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Guud ahaan Lixda Magaalo ee waa weyn ee dalka ayaa laga hirgeliyey  Goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiid si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta loogana hortago Shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana  xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah.

Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka ayaa hore guddida qandaraasyada qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood kuwaasi ka tartamay Gobolada waa weyn ee Waddanka, xarumahan cusub ee uu maanta daahfuray Madaxweyne ku xigeenku ayaa noqon doona  hadda laga bilaabo kuwo lagu  hubiyo   laguna baadho gaadiidka isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xaflaasi   ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka talaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkada muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo  Madaxweyne ku xigeenku  fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda si looga badbaado khasaaraha shilalka Gaadiidku ay geystaan.

Image may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 3 people

Image may contain: sky, house and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 2 people, suit

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: car

Image may contain: screen and indoor

Image may contain: 1 person, standing and camera

Image may contain: 1 person, suit

Image may contain: 4 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, suit

Image may contain: 5 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: 5 people, people standing and suit

 

Leave a Reply