Wasiirka Waxbarashada oo Su’aalo Weydiiyay Ubad Deegaankoodu ka Aradan Yahay Adeegyada Waxbarashada

0
639

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa la kulmay ubad yar yar oo deegaanka ay degan yihiin aanay ka jirin adeegyada dhanka waxbarashada, aadna uga damqaday.

Sidoo kale wasiirka waxbarashadu waxaa uu qiray baahida bulshada Somaliland ay u qabaan helitaanka dugsiyo waxbarasho, kadib markii uu su’aalo kooban oo macno badan sameynaya uu waydiiyay ubad yar yar oo uu kula kulmay mid ka mida deegaanadii uu soo kormeerayay xaaladooda dhabta ah ee dhanka waxbarashada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) su’aalihii dhexmaray isaga iyo ubadka yar yare e uu la kulmay intii uu waday kormeerka xaqiiqo raadinta ee dhanka waxbarashada waxaaney u dhacdan sidan ‘’Imisa jir ayaad tahay? Saddex iyo toban jir ayaan ahey, iskuul ma dhigata? May, oo iskuul maxaad u dhigan weyday? Dee meeshani malaha iskuul aanu wax ka barano, iskuul halkee ugu dhaw? Tuur ayaa ugu dhaw, imisa km ayuu jira Tuur? 10-km, marka ma dhawa.

Ninkan magacii? Mustafe, Mustafow ma dhigata iskuul? Malcaamadna? Haa, iskuul maxaad u dhigan weyday? Meeshuba dugsi waxbarasho malaha.

Wiilkan yar iskuulka ugu dhawi waxaa uu halkan u jiraaba la yidhi 60-km, dhinacan kalena 30-km, dhanka kale 20-km, dhankan kalena 40-km, marka leysku cel celiyo dhinac walba iskuulka ugu dhawi waa 40-km, marka wiilkan yari 40-km u lugeyn karri maayo iskuul, taasina waxaa ay ku tusaysa baahida Somaliland u qabto helitaanka  dugsiyo waxbarasho marka inta aan tayada laga hadlin tirade iskuulada aynu helo’’

Leave a Reply