Samaynta Xeerka Ganacsiga Tignoolajiyadda iyo Baahida way ee uu Qaranka S/land u qabo

0
1362

Diyaariye: Garyaqaan Xuseen Shabeel C/laahi .

Hordhac :

Bulshada ku nool dalka Somaaliland  boqolkiiba 75 in ka badan waa dadii tiknoolagiyada (Age of information and communication technology), waanu kordhayaa  xawaaraha uu ku socdo  isticmaalka xidhiidhka tignoolajiyadu kaas oo dhiiri galinaya ama abuuraya samaysanka ganacsiga loo yaqaano “E-commerce” ganacsiguna waxa uu ka dhashaa xidhiidh iyo helida fursado cusub oo suuqa ka iib gali kara kaas oo saamayn ku yeelan kara suuqyada dalka gudihiisa ah iyo dibadiisaba.

Ganacasigu waa iswaydaarsiga alaab ama adeeg (goods and service), waxaanu u dhacaa laba nooc mid uun :-

  1. a) Mid ay labada dhinac kulmaan si fool ka fool ah oo ay ku heshiiyaan is waydaarsiga alaab ama adeeg sidaana ku qabsooma (Physical meeting ).
  2. b) Ganacsi habka electronigkada ah oo ay is ku waydaarsadeen kuna heshiiyeen dhinacyadu xidhiidhka habka aan muuqan (virtual space), gacsiga noocan u dhaca ayaa loo yaqaan afka qalaad (E-commerce). Labada noocba waxa uu ka gudbaa xuduudaha wadamada , ganacsiga electronikada ahi waa mid u dhaca habka online kaa ee caalamigaa oo iibkiisa iyo baayacaadiisuba ka dhexdhacaan kana gudba xuduudaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaaba, qoraalkaygani waxa uu diirada saarayaa lafagurka sharci ee ganacsiga eletronikada (E-commerce).

Ganacsiga lagu sameeyo habka elektroonikada ahi waa uu dhinacyo badanyahay dhanka sharciyadiisa u dejisan marka laga eegayo waxa ay qaramada midoobay (UN)[1] ka soo saartay bayaan caalamiya oo lagu dhaqo/maamulo, sidoo kale waxa bayaan ka soo saaray midawga Africa (AU).[2]

Somaalind.

Somaaliland waxa ka hir galay sagaashamaadkii qaybta isgaadhiinta telefoonada oo laga furay dhawr shirkadood oo kala ahaa STC,SOLTEECO,ERALITE,TELOCOM,SOMTEL,TELESOM iyo qaarkale oo dhawra waxaana ka hanaqaaday oo maanta si fiican uga hawlgala gobolada dalka laba shirkadood ee Somtel iyo Telesom waxaana soo kordhay khadka internetka wixii sanadkii 2000 ka denbeeyay oo laga isticmaalo shirkadaha Somcable , Somtel, Telesom dhamaan shirkadahaa shaqeeya oo shuruucda wadanka ka hor abuurmay kana hor kobcay oo laga daba geeyay sharcigii waana sababaha ugu waaweyn ee uu la fuli la yahay sharciga kaliya ee jira ee soomaaliland leedahay oo la sameeyay sanadkii 2011 kii waana Xeerka Boosaha iyo  Isgaadhsiinta Xeer Lr.50/2011.

Xeerkan oo ku kooban diwaangalinta shirkadaha xoogana saaraya dhinaca isgaadhsiinta telefoonada iyo reedhyawyada, waxbadan oo uu ka taabanayo dhanka ganacsiga ee habka tignoolajiyada iyo falalka ka dhaca iyo waxa lagu xalinayaatoona ma jiraan.

Hadaba waxa wakhti xaadirkan casrigaa soo kordhay falal iyo kiisasa ka duwan ku wii hore oo lagu gaysto habka tignoolajiyada oo u baahan in loo helo xeerar iyo shuruuc  lagu xakameeyo oo la jaan qaadaya horumarka

caalamigaa ee dalka iyo gobolka iyo caalamkaba ka socda oo dalkeena ka dhaca ama ku soo food leh ee aynu dunida la wadaagno.

  1. Xeerka Ganacsiga Electronic (E-Commerce law) .

Xeerkani  waa mid balaadhan oo dhiiri galinaya ganacsiga tiknoolajida casrigaa ama elektroonigaa oo fulinaya sharci nimada heshiisyada iyo qiimayaasha labada dhinac habka noocana ku wada galaan ee caalamigaa iyo maxaligab ah waxaanu xanbaarsanyahay buuxinta qabyooyinka sharci ee jira, waxaanu  tilmaamayaa , sida loo xalinayo muranada kala duwan ee ka dhasha ganacsiga noocana , maxkamada awooda u leh ee dacwadaha noocana qaadaysa .

Waxa uu cayimayaa oo uu tilmaamayaa oo ka dheegmaya habraacyada iyo cida awooda u leh soo saaridooda kuwaas oo ay ka mid yihiin habraaca cashuuraha,habraaca ilaalinta macaamiisha,habraaca saxeexyada electronic ah, habraaca dacwad qaadista, habraaca ilaalinta nabadgalyada dhaatada (data), habraaca ilaalinta hantida maskaxeed (intellectual property rights) IWM.

1.1 . Cida awooda u leh curinta/samaynta Xeerka Ganacsiga       Tignolajiyada (E-Commerce Law).

Curinta xeerarka waxa awood u leh xukuumada oo golaha wakiilada u soo gudbinaysa marka kolaha xukuumadu soo ansixiyaan sida uu waajibinayo dastuurku JSL[3], waxaana u xil saaran wasaarada boosaha iyo is gaadhsiinta oo uu xeerka isgaadhsiinta soomaaliland ku waajibinayo samaynta,horumarinta siyaasadaha iyo curinta xeerarka tignoolajiyada si aynu uga qayb qaadano kaalinta dalku ku leeyahay tartanka isgaadhsiinta casrigaa ee heer gobol iyo heer caalamiba[4].

 

  1. Qaybaha  Xeerka Ganacsiga Tignolajiyada (E-Commerce Law)
  • Tiirarka  dhinacyada ee  E-Commerce .

Hadii dhinacyadu ku heshiiyaan heshiis wax is waydaarsi waxa loo celinayaa(referred) dalabka iyo aqbalka (offeror and offeree), dhinacyada wax isku waydaarsanaya habka electronic ah waxa u asala doorashada waxa uu dalbanayo.

Asalka waxa uu u yaqaanaa sharciga qaramada midoobay dalabka qoraalka(massege) uu diro ama uu qoro qofka wax dalbanayaa[5].

 

Dhinaca kalana helo (received) dhankii loo dirayay dalabku[6].

 

  • Aqoonsiga sharci ee fariimaha (Messages) xidhiidhada elektronigaa.

Mabda aqoonsiga iyo dhaqangalka sharci ee xidhiidhada elektaroonika ah waxa jaan gooyay bayaanka caalamigaa ee qaramada midoobay, fariin kasta iyo xidhiidh kasta iyo heshiis kasta oo la sameeyaana maaha mid dhaqangal sharci leh hadaanu waafaqsanayn nidaamka caalamigaa ee uu dajiyay baaqaa calamigaa ee UN soo saartay ee  isticmaalka xidhiidhada elektronikadaa ee heshiisyada caalamigaa[7] .

  • Shuruudaha Sharci ee Heshiisyada.

Samaynta heshiisyada noocana iyo shuruudaha looga baahanyahay in laga helo si uu u yeesho dhaqangal sharci iyo halka laga fulinayo sharciyan heshiisyada ganacsi (E-commerce) ee lagu galo habka elektroonigaa waxa bayaaminaya baaqa caalamigaa ee qaramada midoobay UN ta ee isticmaalka habka xidhiidhka elektroniga ah loogu galo  heshiisyada[8]

Xeerka Madaniga (Civil Code ) ee u dejisan Somaaliland wuu ka aamusay oo ma  dhigayo, heshiisyada habka noocan ah lagu galo sida lagu xalinayo, halka  sharciyan lagu qaadayo dacwadaha iyo muranada ka dhasha iyo cida awooda u leh sharciyan inay qaado toona, sababaha ugu waaweeyn ee uu uga aamusayna waxa weeye xiligii la dajinayay ama la samaynayay oo xili ka horaysa ahaa wakhtigan casrigaa ee uu hir galay nidaamkan gacasi ee elektarooniga casrigii iyo iyada oo aan wax kabedel iyo horumarin aan lagu samayn ilaa iyo xiligii la sameeyay oo hada laga joogo mudo ka badan 50 konton sano, sababahaas oo ah kuwa soo dedejinaya samaynta xeerkan (Somaaliland E-commerce law).

  • Nooca

Heshiisyada lagu galo habka noocan ah waxa shuruud u ah in uu yahay mid qoran oo ay u dhanyihiin shuruudihii sharci ee looga baahnaa si uu u noqdo mid dhaqangal sharci leh, xidhiidh kasta iyo qoraalo kasta oo ay labada dhinac is waydaarsadaan maaha heshiis qiimo sharcina ma laha, lagumana doodi karo.

Heshiis kasta oo habka noocana lagu galo oo ka dhexdhaca dhinacyada waxa lagu qaadayaa shuruucda wadanka uu deganyahay qofka lahaa dalabka[9]

 

  • Saxeexyada Elektaroonigaa ( Electronic Signatures).

Xeerka gudihiisa ayaa lagu tilmaamayaa noocyada saxeexyada elektroonigaa iyo miisaanka qiimayaashooda sharci.

Heshiisyada saxeex uu sameeyay cidii asalka ahayd ee awooda u lahayd, saxeex uu sameeyay qof wakiil ahi.

Dalabaadka iyo Cadaymaha saxeex awood siin dalab la rarayo ama la soo rarayo, saxeex cadayn ka helid alaab ama dhukumanti ku soo gaadhay, habka loo diwaan galinayo iyo ilaalinta xuquuqda saxeexyada waxa lagu nidaaminayaa habraacyada xeerka ka dhalandoona maadama oo aanay wakhti xaadirkan Somaaliland u lahayn xeer.

  • Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha .

Ganacsiga tignoolajiyadu (E-commerce) waxa uu ku tiirsanyahay ilaalinta xuquuqda macaamiisha iyo u qabashada adeega fiican si loogu soo dhiirado adeegyada aad bixinayso waxaanay ilaalintaasi salka ku haysaa heshiiska ganacsi ee macmiilka lala galay ee ilaalinta sirta habka lacag bixinta,ilaalinta xogtiisa gaar ahaaneed , xalinta khilaafadada fudud si hoose.

 

  • Cashuurta (E-commerce Taxation).

Habka iyo nidaamka cashuur bixinta ee ganacsiga noocana waxa loo raacayaa xeerarka maaliyada somaaliland ee dhaqangalkaa[10], iyo habraacyada ay wasaarada maaliyadu u dejisay ama u dejiso taas oo loo raacayo dhamaan cusboonaysiinta liisamada iyo foomamka shirkadaha ee laga soo dalbado wasaaradaha awooda u leh .

  • Xoriyada (E-commerce and Privacy.

Qofna lama fara galin karo xogihiisa iyo xidhiidhadiisa gaarkaa ee la xidhiidha ganacsigiisa habka tignoolajiyada ah uu ku sameeyo qaab telefoon iyo qaab koonbuyuutar iyo qaababka la midkaa[11].

Qof kastaana xaqbuu u leeyahay inuu yeesho hanti gaar ah si xeerka iyo shuruucda dalka waafaqsan oo xalaala[12] .

 

  • Ilaalinta Hantida Maskaxeed (intellectual property rights).

Xeerka Ganacsiga Tiknoolajiyadu waxa uu dejinayaa oo uu jidaynayaa waajibinta ilaalinta hal-abuurka maskaxeed iyo ciqaabaha ka dhalanaya faragalintooda iyo baabiintooda iyo u sugnaanshaha qof kowaad ee sharciyan loogu diwaan galiyay haday magic tahay iyo haday hal-abuurada kale oo dhan ee la xidhiidha ganacsiga noocana tahayba , sidoo kale waxa uu jidaynayaa samaynta habraaca tilmaamaya qaabka loo diwaan galinayo iyo cida awooda u leh soo saaristiisaba.

3.0. Danbiyada (Criminal aspects).

Ganacsiga noocana ee habka tignoolajiyada wax aka dhaca danbiyo badan oo kala duwan kuwaas oo aan ciqaabta ka dhalanaysa aanay ku cadayn xeerka ciqaabta somaaliland (Criminal Cod of Somaliland) sidoo kalana aanu dalku lahayn xeerka ka hortaga danbiyada ka dhaca ama lagu gaysto koonbuyuutarada (Computer crimes regulation), danbiyadaas oo ay ka mid yihiin farogalinta iyo weerarida nidaamka xogta (data) ee shirkada iyo hababkeeda maamulka, lacagaha,macaamiish, iyo dhamaan sistamiskeeda oo dhan, dabiyada noocasa oo dhan oo u baahan xeer loo raaco oo dajinaya ciqaabaha ka dhalanaya iyo magdhawyada ka dhalanaya ee la saarayo cid kasta oo ku kacda falalka noocaasa.

Gabogabeda:

 Waxa aan soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan uguna suuro galsan in loo sameeyo xeerkan lagu maamulayo ganacsiga tignoolajiyada (E-Commerce Law) oo dalkeenu u baahanyahay kana maqan si loogu helo sharciyad lagu maamulo loona sameeyo nidaam loogu soo dhiirado maalgalinta caalamigaa iyo ta maxaligaaba ganacsiga casrigaa ee habka tignoolajiyada ee somaaliland oo wakhti xaadirkan ka curtay dalkeena, si aanu hadhaw caqab adag u noqon ka dabagaynta iyo samaynta xeerkani marka uu ganacsigani bilaa xeer hana qaado sida shirkadaha is gaadhsiinta ee had aka jira somaaliland oo ka hor samaysmay xeerkii lagu maamuli lahaa.

 

Diyaariye :Garyaqaan Xuseen Shabeel C/laahi .

[1] United Nations Convention on the Use of  Electronic  Communication in contracts May/2019

[2] African Union Convention on Cyber Security and Personal Data Protection 28/06/2019

 

[3] Dastuurka Jamhuuriyada Somaaliland Qod:74(1).

[4] Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xeer Lr.50/2011 Qod:3(1,4,5,6,7)

[5]  United Nations Convention on the Use of Electronic Communication in contracts Art 4(d).

[6] Art 4(e) .

[7] Art 8(1).

[8] Art 6, 10 (3)

[9] Africa Union Convention on Cyber security and personal Date protection, Art  6(a).

[10] Xeerka Maamulka Maaliyada Qaranka , Xer Lr.75/2016 iyo Xeerka Kastamada, Xer Lr.73/2016.

[11] Dastuurka Jamhuuriyada Somaaliland Qod:30

[12] Dastuurka Jamhuuriyada Somaaliland Qod:31(1).

Leave a Reply