“Waan Bogaadinaya labada Beelood ee Ajiibay Baaqyadii”…

0
624

Laascaanood (Dawan) Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, iyo wefyigiisa ku bogaadiyayay dadaalka ay ugu jiraan sidii nabad waarta loo dhex dhigilahaa beelaha walaaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag, ee deegaanada Horufadhi iyo Ceegaag.

Sidoo kale gudoomiye Jiidhe, waxaa uu Garaadka iyo weftigiisa ILLAAHEY uga baryay in howshaasi dhammeynteeda iyo soo afjaristeeda uu ku guuleeyo.

Gudoomiye Cabdiqani isaga oo artimahaasi ka hadlaya waxaa ii yidhi “Waxaan bogaadinayaa, ergada nabadeed ee balaadhan, ee uu hoggaaminayo, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ee gaadhay deegaanka Horufadhi iyo Ceegaag, si ay qayb uga qataan nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Reer Hagar iyo Hayaag.

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyey “Garaadka oo in badan, kaalin mug iyo miisaan leh ku lahaa xallinta colaado mandaqadda ah, ayaan filayaa kuna kalsoonnahay  inuu door culus oo xil-kasannimo leh in uu ka gaysanayo, juhdina ugu hurayo guusheeda, ALLE-na isaga iyo  inta kale ee ku hawlan-ba ha ku garab galo”

Ugu danbeyn gudoomiye Cabdiqani Maxamuud waxaa uu si gaara u bogaadiyay labada beelood ee walaalaha ah waxaanu yidhi “Ugu danbayn waxaan u mahad cellinayaa, labada beelood oo abuuray jawi nabadeed, isla markaana ajiibay baaqyadii maamulka iyo qaybaha bulshadu ay u jeediyeen, si dhib danbe u imaan, si nabad iyo xasillooni dhaba loo gaadho”

 

Leave a Reply