Imaraadka oo dhaqan geliyey dalka ku galka Baasaboorka Somaliland

0
718

Dubai-(Dawan)-Dawladda Imaaradka  Carabta ayaa aqoonsatay Basaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen xukuumaddihii kala danbeeyey ee Xisbiga Kulmiye .

 

Danjirihi hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Imaaradka Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku sheegay in aqoonsiga Imaaradka ee Basaboorka Somalland ay ka danbaysa dalab uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu gudbiyey , Wasiirka Madaxtooyadda ahna ku xigeenka raysal wasaaraha dalka Imaaraadka .

 

“Dawladii UAE ayaa galisay dhalashada wadamadda ay aqoonsatay systems kooda ee Wasaarada Arimaha guddaha Dalka Jamuuriyada Somaliland. Talaabadan baa ka danbeesay ka dib dalabkii uu hore uga wada hadleen Madaxweynaha Muse Bihi Abdi iyo HH Sh Mansour Binzayed Alnahyan, Wasiirka Madaxtooyada isla markaa na ah, ku xigeenka Raysal Wasaaraha dalka UAE. Ka dib booqashadii uu Madaxweyne Muse Bihi Abdi uu ku tagay bishii April sanad kii 2018. Arintan ayaa u suurto galinaysa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool UAE, in ciqaamadooda ku qaadan karaan dhalashada Somaliland iyo Passportka Somaliland. UAE&Somaliland”

 

Arrinta ayaa kusoo beegmaysa xilli furfur badan laga dareemayo siyaasadda arrimaha debadda Somaliland

Leave a Reply