Maraykanka oo soo dhaweeyey Xidhiidha Somaliland iyo Taiwan

0
537

Newyork-(Dawan)- Dawladda Dalka Maraykanka ayaa ammaantay xidhiidhka Cusub ee dhexmaray dawladdaha Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa soo si weyn usoo dhaweeyey galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”

Maraykanka ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay shaqada ay taiwan ka bilowday bariga Afrika oo uu ula jeeday xidhiidhka ay la yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland .

“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xidhiidh ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto, aiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan! ” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa diblumaasiyad weyn ku tilmaamay xidhiidhka labada dhinaca sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Associated Press “Waa guul laga gaadhay xidhiidh diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xidhiidh la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”

Farriinta ayaa daba socotay heshiiska dhowaan ay wada saxiixdeen dawladdaha Taiwan Somaliland.

Leave a Reply