Xukuumadda Somaliland oo Soo Iibsatay Agab Lagu la Tacaalayo Cudurka laga Digay Inuu Soo laba-kacleeyo ee COVID19

0
513

Hargaysa (Dawan) Guddida heer qaran ee la-tacaalida iyo xakamaynta xannuunka safmarka ah ee COVID-19 ayaa lagu wareejiyay agab caafimaad oo Dowladdu dibeda ka soo iibisay, kaas oo loogu talo galay in lagu xakameeyo faafista Cudurkaasi.

Qalabkan oo isugu jira mishiinada xumadda lagu baadho oo casri ah, dhar loogu tala-galay hawl-wadeenada Caafimaadka ee ka shaqeeya Cisbitaalada iyo goobaha kale ee Caafimaadka, Dareerayaasha jeerniska dila iyo agab kale, ayaa waxa dibada kasoo iibisay shirkad wadani ah oo ku guulaysatay qandaraaska guddidu ku bixisay soo iibinta qalabkan.

Leave a Reply