Guddida Xakamaynta Xanuunka Covid19 oo Agab Caafimaad kala Wareegtay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR.

0
466

Hargeysa (Dawan) Guddida heer Qaran ee ka hortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19 ayaa agab caafimaadk kala wareegay Hay’addda Qaxoontiga adduunka ee UNHCR, qalabkaasi oo loogu talo galay in lagula dagaalamo xanuunka Dunida sida weyn u saameeyey ee Covid19.

Madaxweyne ku xigeenka Jamuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha guddida heer Qaran ee Covid19 oo Agab-kaasi Caafimaadka hay’adda kala wareegay ayaa sheegay inay ka gudoomeen allaabtaasi sidoo kalena aanay ahayn markii koobaad ee Hay’adda UNHCR ay hawlahan ka qeyb qaadato , Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shaaca ka qaaday in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda UNCR uu ka dhaxeeyo xidhiidh wada shaqaynayd oo aad u qoto dheer.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka ahna Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Covid19 ayaa shacabka ugu baaqay inaan wali xanuunkii geyiga Somaliland ka tegin, isla markaana ay muhiim tahay inay Bulshadu feejignaato raacaana hab-raacyada loogu talo galay in xanuunkaasi lagaga badbaado.

Leave a Reply