Xikmadaha Maanta

0
843
  • Qofka caqliga badani ma xaqiro saddexdan : Culimada, Madaxda iyo Walaalaha mulsimiinta ah. Waayo Culimada hadii uu yaraysto aakhridiisa ayaa halis ku jirta, madaxadiis haduu yaraystona aduunyadiisa ayaa halis ku jirta, walaaladii hadii u yaraystona sumacadiisa ayaa dhimata.  Kitaabka:  Siir Aclaam Page 13/46)
  • Ha isku deyin inaad bedesho duruufaha, wakhtiyada, iyo dabaylah waayo awood uma lihid laakiin isku day inaad bedesho naftaada taasi ayaad awood u leedahay,.
  • Weligaa hala doodin jaahil waayo kuma fahmyo, hana la doodin mid dhego adag waayo ma qancayo, hana la doodin ka aan dhexdhexaadka ahayn waayo kuma dhegaysanyo.

 

  • Dadku waa laba nooc, mid wuxu ku arkaa inaad wanaagsantay waana uu kugu jeclaada, nooca kalena wuxu ku arkaa inaad wanaagsantay laakiin waa uu ku cunayaa.
  • Maskaxda ka madhan xikmadda, saaxiibkeed waxay ku kordhisaa carab xumaani ka buuxdo
  • Kalsoonidu waa sida qalcadda, dhisitaankeedu wuu adag yahay, laakiin burburinteedu way fududahay”.
  • Dadka waxa ugu caqliga badan ka aduunyada iskaga tag inta aanay iyadu ka tegin, ee xabaashiisa iftiimiya inta aanu gelin”.

Leave a Reply