Naafo Caan Ka Noqotay Dunida!

0
580

Jessica Cox waxay ku dhalatay Bishii Feberweri sanadkii 1983 Arizona ee dalka Maraykanka.  Waxayna noqotay qofkii ugu horeeyay dunida ee gacmaha naafo ka ah ee duuliye dayaaradeed noqda (Pilot) isagoo lugihiisa adeegsanaya.

Naafada gacmaha waa mid ay ku dhalatay laakiin taasi kumay keenin niyad jaba, waxay ka qalin jebisay Jaamacadda Arizona sanadkii 2005 iyadoo ka baratay cilmiga Psychology  (Cilmi nafsiga) iyo  isgaadhsiinta. Waxa kale oo ay computerka ku garaacada lugaheeda iyadoo 25 xaraf garaacda daqiiqadiiba.  Sanadkii 2005 ayay duulisay dayuuradii u horaysay oo ahayd kuwa mishiinka keliya leh.

Laakiin bishii October 10kii, sanadkii 2008 aya la siiyay Shahaadada duuliyanimada ka dib markii ay 3 sano oo tababar duuliyanimo dhamaysatay. Wakhtigan waxay duulisaa Dayuuradaha nooc iyadoo dhulka ka fogaataa 10000 feet. Waxayna muujisay in aan naafadu ahayn wax kaa reebayaa nolosha kana dhigayaa mid fashilamay oo quustay. Waxa ay qaadatay shahaado jaamacadeed maadada of Science in Psychology. Waxaana sanadkii 2012 la siiyay abaal marinta dhiirigelinta dumarka ee dalka Maraykanka.

Leave a Reply