Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo reer Sanaag u sheegay Muhiimada Nabadda

0
797

Ceel-afweyn-(Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay nabad gelyada iyo wada dhalashadu .

 

Wasiir Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi oo khudbad ka jeedinayey Masaajid ku yaalla magaalada Ceel-afweyn ayaa bulshada deegaanka u sheegay in ay ilaaliya wada dhalashada iyo ammaanka deegaanka si ay ula jaanqaad deegaanada kale ee Somaliland oo ay ka reebtay Colaada deegaankaasi ka jirta .

 

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ka mid ah koox wasiiro ah oo gobolka Sanaag lagu diray in ay soo afjaraan colaad gobolkaasi kasoo noqnoqtay .

 

 

 

Leave a Reply