“Xeerkani waxa uu Isugu Jiraa afar Xeer oo Doorashooyinkii lagu mideeyay…”Xughaye Cabdirisaaq

0
649

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax, ku wareejiyay guddida arrimaha gudaha guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha oo madaxtooyadu u soo gudbisay.

Dhanka kale xughaye Cabdirisaaq waxaa uu daboolka ka qaaday in xeerkan uu isagu jiro ilaa afar xeer oo mihiima oo doorashada lagu mideeyay.

Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,  isaga oo si faahfaahsan u sharaxaya waxaa uu yidhi “Waxaa uu gudoomiyaha golaha wakiiladu ku wareejiyay guddida arrimaha guddaha mashruuc sharciga xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha oo 2018-kii la keenay, xeerkan oo ah xeer aad u balaadhan oo Qaranka Somaliland iyo shacabkuba key sugayeena, marka laga yimaado xeerarka ugu mihiimsan ee Qarankani leeyahay ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka iyo xeerka nidaamka garsoorka, xeerkani waa kii saddexaad ee Qarankani u baahan yahay.

Xeerkani waxaa uu ka kooban yahay ilaa afar xeer oo isku jira oo doorashooyinkii lagu mideeyay, , tii golayaasha deegaanka, tii golaha wakiilada,  madaxtooyada, tii guddida doorashooyinka Qaranka, tii codbixiyayaasha iyo qoondadii haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay, waa xeerkii mustaqbalka waxaanu gudoomiyuhu ku wareejiyay guddida arrimaha gudaha iyo difaaca”

Sawirka Xughayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply