Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo  Ku Hawlan Dayactirka Wadooyinka Suuqa Dhexmara

0
699

Hargeysa, (Dawan) – Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu foganaday dayactirka Wadooyinka dhexmara farasmagaalaha, kuwaas oo aad u burburay, isla markaana aan wax dayactir ah lagu samayn tan iyo intu Xil Maayirnimo qabtay Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa wajahaysay  mudooyinkii u dambeeyey dhaliilo xoogan oo muuqaalo lagaga soo qaaday wadooyinkaasi islamarkaana dadka lagula wadaagay baraha bulshada,  iyada oo lagu dhaliilay wax ka qabasho la’aanta wadooyinka dhexmara Farasmagaalaha Suuqa Hoose ee Caasimada Hargeysa kuwaasi oo qaar ka mid ah ay noqdeen bohollo .

Wadooyinkaas ayay dhibaato xoogan kala kulmaan gaadiidka iyo dadweynaha ku ganacsada hareeraha Jidadka kuwaasi oo sababay in bulshadu ay aad ugu canaanto golaha deegaanka Hargeysa .

Dadweynaha ku dhaqan caasimada ayaa iyagu soo dhaweeyey isla markaana si weyn ugu riyaaqay wax ka qabashada iyo dayactirka jidadka Suuqa caasimada Hargeysa ugu weyn dhexmara, waxaana la fili karaa in talaabadani xiligan masuuliyiinta dawladda Hoose ay waxooga ka dajiso culayska dhaliilaha dul hogganayey ee ku gedaamnaa mudada dheer ee ay joogeen.

Leave a Reply