Wasaaradda Caafimaadka oo Agab Gaadhsiisay Gobolka Sanaag

0
462

Ceerigaabo-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa qalab caafimaad ku wareejiyey cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo.

Munaasibadii xilwareejinta ayaa waxa ka soo qayb galay Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, maamulka gobolka Sanaag, ka degmada Ceerigaabo, bahda caafimaadka ee gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr. Cabdinaasir Cabdiraxmaan Maxamed, oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, isaga oo intaas raaciyey in wakhtigan uu marayo meel aad u wanaagsan, isaga oo tilmaamay inuu ku qalabaysan yahay qalab casri ah.

Waxa kale, oo iyaguna halkaas ka hadlay xubno isugu jiray madax-dhaqameed, ganacsato iyo masuuliyiin kale oo ka mahad celiyey agabkaas caafimaad ee lagu wareejiyey cusbitaalka guud ee Ceerigaabo.

Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan iyo la taliyaha madaxweynaha ee dhanka arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa ku bogaadiyey wasaaradda caafimaadka Somaliland dedaalka xoogan ee ay ugu jirto xoojinta iyo daboolida baahiyaha caafimaadka dalka ka jira guud ahaan.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, oo sheegay inay masuuliyiinta cusbitaalka guud ee Ceerigaabo ay ku wareejinayaan qalab caafimaad oo kala duwan, isla markaana baahi weyn uu u qabay cusbitaalkaasi, isaga oo intaas ku daray in sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, uu gobolkaas ka fuliyey mashaariic badan oo dhanka caafimaadka ah.

Leave a Reply