Xukuumadda oo soo Qabatay Gacan ku Dhiigle la Raadinayey

0
434

Hargeysa-  (Dawan) Xukuumadda  Somaliland  ayaa  Sheegtay in gacanta   lagu  soo  dhigay  Gacan  ku  dhiigle  Jaamac  Saleebaan  Maxamuud oo  hore   dil  ugu  gaystay  deegaanka  fadhigaab  ee ka  tirsan  degmada Ceelafwayn.

 

Wasiirka  Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland , Maxamed  Kaahin Axmed oo Shalay Warbahinta la  hadlay  ayaa Sheegay  in  Ciidamada  Qaranka  gacanta  ku  soo  dhigeen  gacan  ku  dhiiglihii  dilkii  ugu  horeeyay  ka  gaystay  deegaanka  fadhigaab, waxaana  uu u  mahadnaqay   beesha  uu  ka  soo  jeedo  oo  gacan  wayn  ka  gaysatay  in   la  soo qabto.

 

 

 

Maxamed Kaahin Axmed oo  ar rimahaasi  ka hadlayayna waxa  uu  yidh “Waxa  muddo  doora  u  joogeen   halkan sanaag  u  joogeeen  golaha  Wasiirada  arrintii  ka  dhacday Magaalada Fadhigaab oo  dhimasho  iyo  dhaawacba  sababtay xalinteedii  ayaan halkan  u  joognay,waxaana  in muddo ah lagu mashquulsanaaa  in  la  soo  qabto gacan  ku  dhiig lihii  falkii  ugu  horeeyay  gaystay oo  sababay  in  colaadaasi halkaas ka  dhacdo Xukuumaddu  mudadaasba  gacanta  ayaa  ku haysay hawshaana  waa lagu dabo jiray,”.

 

Maxamed  Kaahin Axmed  oo hadalkiisa sii wataa  waxa  uu yidhi “Waxan  halkan  ka  Cadaynaynaa in  la  soo  qabtay  gacan  ku  dhiiglihi   falkii  ugu  horeeyay  gaystay Beesha  uu  ka  dhashayna  qaybteeda  ayay  ka  qaadatay,waxaana  soo  qabtay  Ciidamada  Qaranka ee  fadhigoodu  yahay  Magaalada  Fadhigaab wax  khasaare  ah oo  ka  dhacay  soo  qabashadiisa  majirto,waxaana  aan u  mahadnaqaynaa Jiif  Caaqilka  Beesha  soo qabatay oo  qayb  wayn  ka  gaystay  soo  qabashadiisa  labada  dhinacna  waxa  aanu  ugu  baaqaynaa  in Nabedgalyada  adkeeyaan cid  walibana  usoo  diyaar  garawda  waxa  ay  Sheeganayso,”.

Leave a Reply