Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Kormeer ku Tegay Jiidda Hore ee Ciidanka Qaranka Gobolka Sool

0
679

Tuka-raq (Dawan): Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani , oo ay wehelinayaan qaar ka mida hoggaanada taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa kormeer ku tegay jiida hore ee deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.

Taliye Taani ayaa kulan la qaatay taliyaha aaga bari sarreeye guuto Cali Barre Xuseen, iyo saaraakiisha sare ee ciidanka qaranka ee aagga bari

Taliyuhu waxaa uu  sheegay  in ay niyad ahaan wanaagsan yihiin, islamarkana ay si fiican ugu teen hawlihii ay qaranka u hayeen.

Sidoo kale waxaa uu Taliyuhu  billado guddoonsiiyay askartii ay iska soo xuleen guutooyinka ciidamada Qaranka ee jiidda hore.

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani  isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “Halkani waa deegaanka Tuka-raq ee ay degan yihiin ciidamada Qaranka Somaliland, waxaan halkan u imid in aan soo kormeero ciidamada, niyad ahaan aad iyo aad ayay u wanaagsan yihiin, shaqo ahaana aad ayay u wanaagsan yihiin, waana ciidan hawshii Qaranku u xil saaray gutay.

Ragu wey wada wanaagsan yihiin raggi ay soo xuleen guuto kastaba halkan ayaan ku siiyay waana arrin muhiima oo Qaranku u gartay geesiyaasha reer Somaliland, waanan hambalyeynayaa intii halkan ku guuleysatay ee aan siiyay, hadday taliyayaashi yihiin, abaanduulayaasha ciidamada iyo askarta waan ku hambalyeynayaa billaduhuna waa wax qiimo leh oo weyn, wax yar maaha,intii halkan  joogtay ee aan siiyayba, waana wax qiimo leh oo weyn oo waxyar maaha”

Leave a Reply