“Waar Nin Walowba Walaalka si aad uga Nabad-gasho Adigu Shan Talaabo ka Durug.” Wasiirka xidhiidhka goleyaasha

0
117

Caynaba (Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in kheyraadka uu gobolkaasi gaarka uleeyahay inay waddanka intiisa kale gaadhsiiyaan.

Dhanka kale waxaa uu waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan u soo jeediyay in ay dhulka si nabadgeliyo ah ugu wada noolaadaan.

Sidoo kale waxaa uu badhasaabka gobolka Saraar ALLE uga baryay in xilka loo magacaabay u fududeeyo.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi waxaa uu sidan ka sheegay munaasibada xil wareejinta badhasaabka cusub ee gobolka Saraar.

Waxaanu yidhi . “Madasha macnaheedu waa duco, hanbalyo iyo soo dhaweyn, waanu idiin duceynayna badhasaabkana waanu u duceynaynaa oo waxaanu leenahay, xilka laguu igmaday ILLAAHEY hakugu asturo xilkeeda ILLAAHEY haku sakhiro, shacabkana waxaanu leenahay waanu idiin duceynaynaa ee ILLAAHEY heydiin sakhiro”

Sidoo kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxaa uu ka hadlay kheyraadka uu gaarka la yahay gobolka iyo sida la doonayo in bulshada looga wada faa’ideeyo “Waa gobol beeraha iyo xoolo dhaqashada labadaba ku horumarsan, waa gobolka badda iyo kalluumeysiga ugu dheer, waxaasi oo dhan waxaa loo baahan yahay in aynaan madalo ka odhane ay dadku munaafacaadsadaan, gobolka noocaasa ee ku yaalla Mareykanka waxaa uu quudiya dhammaanba waddanka intiisa kale, sidaasi darteed dhammaanteedba waa in aynu xaqiijinaa nimcooyinka ILLAAHEY gobolka Sanaag ku manneystay oo aynu si qaranimo ah isaga kaashana in horumarkaasi la taaban karo oo uu dhaboobo, haddaba gobolku isaga oo sidaasi u ballaadhan waxaa leysku haystay xidhmooyin oo xoolihiiba isu soo galay,  dhulka sidaa u ballaadhan waxaa aynu u baahanahay in bulshadu si walaaltinimo leh ugu wada noolaadaan, diinteenuna waxaa ay inoo sheegtay dhulka qofkii taako ku xadgudba in ILLAAHEY todobada dhul Qiyaamaha marka uu tago qiyaamaha loo sudhayo, ma karno oo taasi awood uma lihin, waar nin walowba walaalka si aad uga nabad-gasho adigu shan talaabo ka durug,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here