Ingiriiska Oo Cusboonaysiiyay Xayiraadaha Safarka Ee Soomaaliya

0
602

London-(Dawan)- Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadihii dhanka safarka ee ay ku joojisay Soomaaliya iyada oo muwaadiniinteeda ku boorisay in aysan u safrin Soomaaliya.

Xafiiska Arimaha Dibada ee UK, ayaa ka digay in Soomaaliya aanay wali daganayn isla markaana ay qatar ugu jirto weeraro argagixiso.

UK, waxay kula talisay muwaadiniinteeda tagaya Hargeysa iyo Berbera inay feejignaadaan.

“Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya’ iyagoo intaas ku daray inay jirto khatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

In ka badan seddex sano oo hor leh ayay Uk kordhisay xayiraadaha dhanka safarka Soomaaliya.

Leave a Reply