Waxqabadka Aanu Ka Sugayno Komishenka Cusub Ee Tamarta

0
521

Madax-bannaanida Korontada Caasimadda Waxay Faa’iido U Leedahay Bulshada

 W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine    

Midowgii Shirkadaha laydhka Caasimada Somaliland ee Hargeisa waxaa sameeyay xeer ay soo saartey Wasaaraddii Macadanta & Tamarta Ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu Wasiir ka ahaa Xuseen Cabdi Ducaale, midowgii Shirkadaha laydhka Caasimadu wuxuu soo maray wajiyo badan lakiin ugu danbayntii wuxuu iskugu soo biyo shubtay Shirkad la magac baxday Sompower. Shirkadda Sompower oo ka kooban badiba Shirkadihii laydhka u shidi jiray Caasimadda ayaa xataa waxaa ka mid ah oo ku jira Hay’addii korantada dawladda ee la odhan jiray Hargeisa Electric Power Station, taas oo ay wareejisay Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo waqtigaa talada dalka haysay.

Midowgaa ay samaynayeen shirkadaha laydhku waxaa jiray shirkado kale oo iyaguna laydhka bixiya islamarkaana aan ka hadhay midowgaa shirkadaha kale, taasina waxay samayn weyn ku yeelatay Bulshada Caasimada.

Kadib markii ay doorashadii 2017 ay ka dhacday dalka isla markaana uu ku guulaystay jagada Madaxweynenimada Mudane Muuse Biixi Cabdi, Bulshada Caasimadu waxay rajjo weyn ka qabtay in Madaxweynuhu wax ka qaban doono koronto la’aanta ka jirta caasimada, maadaama uu Madaxweynuhu yahay nin deegaan ahaan ka soo jeeda Caasimada, islamarkaana dhawr iyo labaatankii sanno ee ay Somaliland jirtayna ku noolaa caasimada.

Maxaynnu Ka Filaynaa Komishanka Cusub Ee Tamarta Somaliland?

Horaantii bishan aynu ku jirno ee July waxa uu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu magacaabay Komishanka Tamarta Somaliland, gudoomiyena uu uga dhigay Axmed Faarax Cadarre, Komishankan oo baahi weyn loo qabey, isla markaana ay bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen.

Komishankan cusub ayaa shaqadiisu tahay horumarinta tamarta dhammaan dalka, waana waa mid ka madax bannaan doona Wasaaradda Macadanta Iyo Tamarta,

Waxaanu rajjaynaynaa inuu Komishankan Tamartu qaadi doono talaabooyin wax-ku-ool ah oo bulshada Somaliland faqiir iyo taajirba dan u noqota.

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Leave a Reply