Marwo Ifraax oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

0
463

Hargeysa-(Dawan)-Marwo ifraax Aadan Cumar oo ah Guddoomiyaha ururka qareenada haweenka Somaliland ayaa agab caafimaad oo lagaga gaashaamanayo xanuunka karoonaha gaadhsiisay masuuliyiinta Maxkamada sare, ta racfaanka, ta gobolka Maroodijeex iyo ta degmada, waxaanay balanqaaday in wado shaqeyntii ay lahaayeen ay sii xoojin doonaan .

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex Cali Suudi ayaa  ku bogaadiyay masuuliyiinta haweenka  qareenada Somaliland agabkaasi ay soo gaadhsiiyeen oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan dhinaca nadaafada fayo-dhowrka maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanku waxa uu tilmaamay in ay tahay markii kowaad ee agab noocan oo kale ah ay soo gaadhsiiyaan maxkamadaha wadanka, isagoo guddoomiyuhu xusay in sababta agabkaasi ay u soo gaadhsiiyeen ay tahay xidhiidhka wanaagsan ee ay leeyihiin ururka haweenka qareenada Somaliland iyo maxkamadaha dalka.

Leave a Reply