Wakhtiga Ay Riyadu Run Noqoto!

0
551

Waxayna maqashay garaac weyn oo ku dhacayay albaabka gurigeeda iyadoo hurudda . Markii ay soo kacday ee ay furtay waxay aragtay gabadh dedan oo aanay weligeed hore u arag, waxayna ku tidhi “Mr. Wilkinson (oo ahaa Ninkeedii furay), waxa ku soo dhacay marmarkii dhismaha “.

Laakiin arrimahaasi oo dhami waxay dhacayeen iyadoo hurda (riyo).

Mr. Wilkinson  wuxu ahaa ninkeeda oo ay kala tegeen muddo lix bilood ka hor ah. Markii ay toostay ayay markiiba la xidhiidhay bal inay ogaato inay wax ku dheceen iyo in kale. Waxaanu ahaa mid nabad qaba.

Laakiin maalintii labaad ayay dheceen wixii ay riyada ku aragtay xaqiiqdii, waxaana dhintay ninkeeda ka dib markii uu ku soo dhacay marmarkii dhismaha. Riyooyinka runta noqda aya dhakh faariyay kooxaha ku tilmaama riyada inay tahay wax tegay oo ay maskaxdu xusuusto.

Leave a Reply