Xasadkii Niyadjabka Keenay!

0
473

Markii ay gabadhiisa wada tegeen dukaanka laga iibsado hadyadaha ayuu ka codsaday inay u doorto hadyad uu u geeyo hooyadii oo dookheeda ah aadna u jeceshay. Gabadha ayaa si hoose u dareentay hinaase, waxaana ay u doortay mid qiimo ahaan jaban oo aanay iyadu xiisayn, muuqaal ahaana ahayd mid liidata oo aanay weligeed iyadu qaadateen. Laakiin ninka ayaa taasi ay u doortay hooyadii u qaaday.

Maalin ka dib ayuu isla hadyadii usoo iibiyay gabadhiisa, oo usoo qaaday. Waxaana uu u sheegay markii uu keenay inuu iyadana la jeclaaday inuu u keeno hadyadii ay xiisaynaysa ee dookheegada ahaa.

Markii ay aragtay ayay niyad jabtay waxaana ay isku qoomamaysay haddii aad mid wanaagsan u doori lahayd adigana mid waangsan ayuu kuu keeni lahaa. Xasadku waxa uu keenaa inuu adiga dhibaato kugu keeno, waxbana kama dhimo qofka aad xaasaday.

Leave a Reply