Tacabka Hadhuudhka Iyo Siyaabaha Ugu Haboon Ee Loo Beero

0
2163

Qaybta hore ee qormadeenan (BEERAHA IYO DEGAANKA) ee wargeyska Dawan, todobaadkan waxaynu ku soo qaadan doonaana, tacabka Wax-soo-saarka, waxa uu yahay tacanka Mesegadda ama hadhuudhka waxaanu ka mid yahay wax-soo-saarka ama dalaga ugu badan ee laga beerto beeraha dalkeena.

 

Ciidda[Meelaha ku haboon beerista].
Ciida ay mesagadu sida wanaagsan ugu baxdaa waa ciidda meldhexaadka ah ee aan dhoobada adagna ahayn bacadna ahayn, waxaana ciidda loo yaqaanaa oo lagu magacaabaa (BUSBUS).

Carro-gedis.
Si bixitaanka iyo koritaanka geedka mesegadu u hagaago ciidda waa in loo jilciyaa, oo lagu qoodaa dhulka; Cagaf, Dibi, Awr iyo hadba wixii la helo.

Waxaana Sidaana waxaa loo yeelayaa:-
B) Biyaha roobka ama kuwa lagu waraabinayaa dhulka hoos ha u galaan, marka ay la kulmaan ciida la jilciyey dabadeedna ku dhaafaan reys badan oo mesegadu ku noolaato muddo dheer.

  1. T) Xididka mesegadu ha helo dhul jilicsan oo uu ku fido.
  2. J) Cuduradda iyo cayayaanka dhirta dhulka ku jiraa ha ku haraadeen.

X)In la furto naqada ciiddu leedahay ee dhulka ku jirta.

  1. KH) In uu soo baxo geed mesego oo dhala midho tayo leh.
  2. D) In bacriminta shinidu fududaato oo ay markaaba qaraxdho.

Simid.
Beerta marka la carro-gedinayo waa in la isku sima oo dhulka aan lagu dhaafin oo aan lagaga tegin meelo godgodan iyo meelo taagtaagan waxaana tallaabadaa looga gol leeyahay biyuhu ha wada gaadheen beerta oo yaaney meelna ku badan meelana ku yaraan, waxaana dhulka lagu simaa, Cagaf, Dibi, Awr iyo kolba kii la helo.

Beerida Hadhuudhka.

Kolka la doonayo in la abuuro Mesegada waxaa haboon in la abuuro xilli fiican, kaas oo falka horaantiisa (xiliroobeedka horaantiisa), waxaana inta badan laga duulaa bada xilliroobeed ee Guga iyo Deyrta, xilliga guga waxaa haboon in la beero 25 March ilaa inta u dhexaysa 15 April.

Xilliga Dayrta waxaa haboon in la beero Mesegadda inta u dhexeysa 25ka Sebtember ilaa 15ka Aktoober, waxaana sidaa looga gol leeyahay in xilliyadaa munaasibyada ee wax beerashadda ku haboon in laga faa’ideysto haddii Mesegada la beero xilli fasalkii roobka intiisii badneyd tagtey waxaa laga yaabaa in Mesegadii oo roobu baahan uu fasalkii dhamaado, isla markaana ay biyo iyo roob la’aani soo deristo Mesegadii.

Sidaadarteed si wax-soo-saarka Mesegadu uu noqdo mid tisqaada waa in lagu beegaa abuuritaanka xili roobeddka horaantiisa.
Mesegada markala abuurayo, waxaa loo abuuraa sifo iyada oo la raacaayo talaabooyinkan:

Labadda xabo ee mesegadda waxaa laysku jirsiiyaa labo talaabo.

Abuurka waxa dhulka hoos loo gelinayaa qiyaas dhen far iyo badh ama wax le’eg.
Abuurka (shinida) waxaa godkiiba lagu ridaa labo ama sadex midhood oo hadhuudh ah.
100kii talaabo ee dherer ah iyo 100ka talaabo eegudun ah (hal Hekter) waxaa abuur ahaan ku fiican 10 ilaa 15 kiiloo oo hadhuudh ah.

Falka (Saaqid)
Marka mesegada iyo saaqa la kala garto ama cawska beerta ka soo baxay, ayaa la isu diyaaiyaa in la saaqo oo beerta laga guro waxyaabahaa xanibaya koritaanka hadhuudhka.

ama la talo beerta waxaa kaloo lagu dhaqaaqayaa in Mesegada iyo beertaba dhilka lagu bilaabo dhilka waxaa gudbikiiba loo dhagaa 1-2 geed oo qudha.

Waxaana falka loo sameeyaa, sida loo yeelayaa:-

1- Caws iyo dhir hoosaadku si aanay mesegada la qaybsan nafaqada iyo rayskii ay ku bixi lahayd.

2- Cawska iyo dhir-hoosaadka kale yaanay u keenin cuduro iyo cayayaan mesegadda.

Waxaa dhacda mararka qaar in mesegada dhexdeeda ay ka baxaan caws ama dhashin kale, kuwaas oo had iyo jeer cudurada iyo cayayaanku u Mesegadda ugu soo dhuuntaan.
Beerta Oo Dalagyada Loo kala (Rotation of Crop).

Hadii beerta fasal kasta ama xili roobaad kasta dhul isku mid ah lagu beero, waxaa hubaal ah in ay cudub qaadayso Mesegadu.

Sidaasdarteed si looga hortago cuduradaa Mesegadda ragaadinaya waa in beerta saraca loo kala bedelaa oo dhukii wakhtigii ama fasalkii hore lagu beeray mesego waain kalka dambe lagu beeraa dalag kale sida digir, laws, ama xaxab, mesegadu waxa uu ka mid yahay dalagyadda ugu badan ee wadankeena ka baxa, sidaas darted waxaa uu si weyn carrada ugala baxaa nafaqadda.

Qaarkoodna carradda lagu beero waxay ku kordhiyaan nafaqada dhirtu ku baxdo, nafaqadad ugu qaayo weyn ee dhirtaasi ku kordhiso waxaa lagu magacaabaa Neydarojiin (Nitrogen), taas oo ah mid aan dhirtu la’aanteed aanay bixin, dhirtaas nafaqada kordhiyaa waxaa ka mid ah Digirta, Salbuulkada, lawska, sisinta,iwm.

La soco qaybaha dambe.

Leave a Reply