Waan Ka Maarmay Dhuxushii Qaaliga Ahayd!

0
472

Magaalada caasimadda dalka Thailand ee Bangkok, nin lagu magacaabo Sutharat oo hilibka digaaga ka ganacsada ayaa curiyay hab cusub oo uu u dubo digaaga.  Sutharat ayaa adeegsada marka uu dubayo hilibka digaaga kulaylka cadceedda.

Waxaana uu sheegay inuu hore u isticmaali jiray dhuxul laakiin uu habkan samayntiisa ay ku soo dhacday ka dib markii isagoo jiifa uu kulaylka qarraxdu muraayda uga soo galay oo aad u gubay, taasi oo ku dhalisay in uu ka samayn karo hab uu ku shiilo digaagaga.

Ninkan waxa uu adeegsaday 1000 Muraayadood oo gidaarka ku dhejiyay, kuwaasi oo kulaylka qorraxada soo kooba, kana dhiga mid gubid iyo shiilimaad samaynaysa.   Sutharat ayaa sheegay in markii uu habeenkan bilaashka ah curinayay ay dad badani ka maadsan jireen kuna tilmaami jireen qof waalan, oo wax aan suurtagal ahayn isku dhibaya.

Mr.Sutharat ayaa wakaaladda wararka ee France-Presse (AFP) u sheegay in habkan uu uga macaash badan yahay ugana dhib yar yahay, madaama 1.5 kg ee hilib digaag ah u ku dubi karo 10 daqiiqo iyadoo aanay ka bixin kharashkii dhuxusha.  Waxaana uu hadalkiisa k soo xidhay “ Waan ka maarmay dhuxushii qaaliga ahayd ee deegaankana dhibta ku keenaysay”.

 

 

Leave a Reply