Adeegsiga Caqliga Ayaa Dhibta Fudaydiya!

0
482

Markii maxkamaddu ku xukuntay dilka labadii eedaysane , waxay raacisay in go’aanka dilka la fulin doono bil ka dib. Labadoodii midkooda aad ayuu u niyad jabay , waxaana uu fadhsiitay qolkii jeelka tiirarkiisa mid ka mid ah isagoo ooyaya.

Maxbuuska kale dan sidaasi kama lahayn waxaana uu ahaa mid iska degen, laakiin aad uga fikirayay sidii uu dilka uga badbaadi lahaa ka hor fulintiisa. Markii uu aad maskaxda uga shaqaysiiyay wax uu xusuustay in boqorku jecelaa Faraska suuqyadana ku mari jiray.

Subixii danbe ayuu u yeedhay askartii Jeelka waxaana uu ka codsaday inay doonayaan labadan maxbuus inay arkaan boqorka oo loo ogalaado. Askariga ayaa markii hore diiday laakiin haddana mar danbe ayuu boqorka u geeyay warqada codsigooda.

Boqorka ayaa isna ogolaaday la kulankooda madaama dil ku xukuman yihiin.. Markii ay la kulmeen Boqorka ayaa weydiiyay maxaad iga codsanaysaan? . Maxabuuska mufakirka ahaa ayaa ku yidhi “ Boqor waxaan kuugu nimi, inaan kuu sheego inaan Faraska aad suuqa ku marto aan bari karo sidii uu u duuli lahaa, welliba mudd sanad gudihii, adiguna aad dilkayaga dib u dhigto, muddada farasku baranayo duulitaanka!”

Boqorka ayaa markiiba ogolaaday oo sawirtay isagoo Faraska fuushan oo hawada socda. Maxbuuska labaad aya arinkan la yaabay oo ku yidhi “ Waar maxaad sidaasi u tidhi, ma adigaa faraska bari kari kara duulista?Been weyna ma faras duula jira!!

Maxbuuska caqliga badnaa ayaa ku yidhi” Haa, waan ogahay in aanu duulayn farasku, laakiin afar arrimood ayaan ka faa’idayna :

Waxa laga yaaba sanadkaasi gudihiisa inuu boqorku dhinto, ama aniguba aan dhinto iyadoon la i deldelin. Waxa kale oo dhici karta in Farasku dhinto. Aama anigu awoodo inaan baro duulitaanka.  Maxaa diidaya inay afartaasi midkood dhaco?

Xikmaduna waa in aad noqoto qof maskax badan oo dhibaatadu aanay niyad jebin laakiin aad raadiso xalkeeda. Badanaa in dhib yar oo fudud mustaqbalkiisa baabiisay.

 

Leave a Reply