Reer Awdal oo Saaftin laba ah u kala dhigay qabsoomida Doorashada iyo tabashada saami-qaybsiga

0
724
“Waxaan qaranka Somaliland u sheegayaa in gobolka Awdal Doorashadu ka dhacayso wakhtiga lagu heshiiyey..” Siyaasi Cabdinaasir Buuni
 
“Sidii  ay Salaadiinteenu kala soo noqdeen shirkii ay Hargeysa kula qaateen Madaxda qaranka ee ay ku ogolaadeen in Doorashadii la qabto ayaanu annaguna ku taageersanahay…”Madaxdhaqameedka Awdal
Hargeysa(Dawan)-“waxa lagu heshiiyey oo ay xisbiyadii iyo madaxdii ku heshiiyeen in Doorashada la qabto ee haddana ma dawladda ayeynu ka hor-nimaadnaa? waa maya ee waxaanu taageeraynaa in Doorashada la qabto..”sidaasi waxa shir jaraa’id ku sheegay xubno kamida madaxdhaqameedka gobolka Awdal oo Arbacadii shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, kuwaasoo si cad u saafay in aanay isku-lamaanayn tabashadooda saamiga kuraasta Golaha Wakiillada iyo qabsoomida Doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan 2020-ku.
“Arrinta saami-qaybsigu maalinta Doorashadu dhacdo, ayaanu u doonaynaynaa halka uu yaallo oo aanu garanayno”ayey ku cadeeyeen mowqifkooda Isimadan oo isugu jiray Salaadiin, Garaado iyo Cuqaal ka soo jeeda Deegaamada bulshada ku dhaqan gobolkaasi.
Kaddib, heshiis ay daneeyayaasha Doorashada Somaliland qallinka ku duugeen todobaadkii tegay, kaasoo lagu go’aamiyey in sanadkan gudihiisa la qabto Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo isku-sidkan iyo in doorashadaasi lagu galo sidii hore loogu galay, waxa jiray isdiidmooyin ku saabsan saamiga kuraasta gobolada ee golaha Wakiillada, taasoo tabashadeedu ay  tahay qadiyad laga siman yahay gobolada dalka ee Doorashooyinka ka dhacaan badankooda, loose kala dood badan yahay.
“Sidii  ay Salaadiinteenu kala soo noqdeen shirkii ay Hargeysa kula qaateen Madaxda qaranka ee ay ku ogolaadeen in Doorashadii la qabto ayaanu annaguna ku taageersanahay oo aanu talo kula nahay”ayey ku sheegeen beyaan Isimada gobolka Awdal oo dhalinyarada gobolkaasi ugu baaqay in ay maslaxada umadda uga shaqeeyaan sida ay ku hagaagi karto ee lagu gaadhi karo natiijada wax ka qabashada tabashadooda.
Xubno kamida Madaxdhaqameedka gobolkaasi oo todobaadkan ka qaybgalay kulan lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo ku saabsanaa sidii dareen midaysan loogu geli lahaa howsha qabsoomida Doorashada, ayey qaarkood ka biyo-diideen in arrinta saami-qaybsiga dib loo dhigo oo laga wada hadlo marka doorashadu qabsoonto kaddib.
Hase ahaatee, waxa iyagu taladaasi aqbalay, bulshada gobolkana kula noqday Isimo uu kamid yahay Suldaan Xasan Baade “waxaanu taageeraynaa mowqifka Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil iyo Suldaan Xasan Xadi Baade”ayey yidhaahdeen Madaxdhaqameedka shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama.
Geesta kale, Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamida Siyaasiyiinta Gobolka Awdal , ayaa sheegay in aan loo baahnayn in lays-hortaaggo qabsoomida Doorashada golaha Wakiillada, isagoo xusay in doodda saami-qaybsiga ee gobolkiisu tabanayo wax laga qaban doono marka ay shacabku doortaan dad ka taliya aayaha iyo rabitaanka dadweynaha.
Cabdinaasir Buuni, ayaa tilmaamay in mudaneyaasha gobolkaas laga soo doortay 15 sannadood oo ay kuraasta fadhiyeen khasaare laga jooggo waxyaabihii ay qaban lahaayeen oo ay kamid tahay qadiyada saami-qaybsiga ee iminka markii doorashadu kaabiga timi ay buuqa ku shidayaan.
Gobolka Awdal ayaa saluugsan tirada xildhibaanada u metesha golaha Wakiillada oo dhan 13 Kursi, waxaanay arrintaasi soo jiitamaysay ilaa wakhtigii la qabtay doorashadii u dambeysay ee golaha Wakiillada.
Sidoo kale Mr. Buuni wuxuu taageeray Isimada gobolka Awdal ee aqbalayin Doorashada la qabto oo aan saami-qaybsi lagu curyaamin nidaamka Dimuquraadiga ah ee dalka ka hana qaaday.
“Dadka Awdal iyo Selel waxa loo baahan yahay in ay soo doortaan dadkii qadiyada xuquuqda ay tabanayaan miiska keeni lahaa ee ka shaqayn lahaa. waxa kale oo looga baahan yahay in si fiican loo daraasadeeyo haddii tiro-koob la sameeyo oo kuraasta maqan lagu saleeyo, arrintaas miyaa lagu faa’idayaa mise waa lagu khasaarayaa” ayuu yidhi Siyaasi Cadinaasir Buuni oo intaasi raaciyey.
 “waxaan saami-qaybsiga lagu sheegayo dhalinyarada ayuunbaa madaxa lagaga qufulaye ma jirto cid si dhab ah u qeexi karta haddii la guddo galo”
“Waxaan qaranka Somaliland u sheegayaa in gobolka Awdal Doorashadu ka dhacayso wakhtiga lagu heshiiyey. in Madaxdhaqameedka Aqbalay codsigii madaxweynuhu ay ku metelaan aragtidaasi shacabka gobolka Awdal, in ciddii ka aragti duwanaatayna xaq dastuuri ah ayey u leedahay”ayuu warkiisa ku caddeeyey Cabdinaasir Buuni oo mar kale tilmaamay “ma jirto cid odhan karta gobolka Awdal Doorasho kama dhacayso oo waxa taa ka imanaysa talaabo dambi ah”
Si kastaba ha ahaatee, dhambaalada dhinaca u wada jeeda ee ka soo yeedhay Isimada Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Awdal, waxa ay muujinayaan in shacabka gobolkaasi diyaar u yahay ka qayb-qaadashada qabsoomida Doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Leave a Reply