Dhismaha Saldhiga Milateri ee Berbera oo gebogebo ku dhow

0
508

Qore. Saleeban Kalshaale

Berbera(Dawan)-Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha Saldhiga Milateri ee Magaalada Berbera ayaa beenisay in uu hakad ku yimi howshii dhismaha Saldhigaasi iyo in ay la soo derseen wax caqabad ah oo culays ku keenay habsami-u-socodka howsha ay gacanta ku hayaan.

Masuuliyiin u hadlay Shirkaddaasi, ayaa hadalkan sheegay iyagoo daba socda warar laga faafiyey maalmihii la soo dhaafay oo sheegay in Shirkadaasi ay joojisay shaqadii dhismaha garoonka iyo in ay guurayso.

“maalin dhowayd oo aanu alaab lagu soo samaynayey dibada aanu dekedda ka dhoofinaynay ayaa war si khaldan looga faafiyey, laakiinse halkan howsha ka socotaa waa mid balaadhan, qalabka iyo gaadiidka shaqada lagu wado ee shirkadduna wuu ka balaadhan yahay wax habeen iyo maalin lagu rari karo”sidaasi waxa Xuseen Maxamed Xasan oo ah Maamulaha guud ee Shirkadda Divers Marine Contracting (LLC) qaybteeda Somaliland oo magaalada Berbera kula hadlay Warbaahinta Dawladda.

Xuseen Maxamed Xasan, ayaa intaasi ku daray in dhismaha Saldhigu sidii loogu talo galay u socdo, inkasta oo intii lagu guddo jiray xanibaadaha caalamka ee uu sababay cudurka Covid19 howlaha qaar hakad ka galeen, taasoo ahayd duruuf caama oo adduunka oo dhan saameysay.

“intii Cudurka Corona Virus ku adduunka saameeyey, ayey wax yar hagad ku yimi shaqada, sida bangiyadii xisaabaadka dibada lagaga soo dirayey iyo kharashka oo ka habsaamay intii uu ku soo gaadhayey Kaamka, laakiinse howshu si fiicanbay u socotaa. qalabkii iyo gadiidkii wuu shaqaynayaa”ayuu raaciyey isagoo farta ku fiiqaya mid kamida Maraakiibta goobta ka shaqaynaya “waxaanu ku shaqaynaynaa gaadiidka iyo qalabku toban Milyan oo Dollar ayuu ka badan yahay”.

Saldhigan waxa dhisaysa oo leh Dawladda Imaaraadka Carabta oo heshiis shan iyo labaatan sannadood ah kula gashay Somaliland, waxaana qandaraaska bixiyey isla dawladda Saldhiga la siiyey, hase yeeshee Somaliland doorkeedu waxa uu yahay nabad-gelyada shaqaalaha ka shaqeynaya inta uu socdo Dhismaha Saldhigu iyo la-socodka xaaladiisa guud.

“ma jiro wax amar ah oo naga soo gaadhay Dawladda Somaliland oo odhana ka guura meesha iyo Imaaraadka carabta toona oo nalugu amray in aanu joojino shaqada”ayuu raaciyey Xuseen Maxamed.

“Waxaan rajjeynaynaa in uu dhawaan dhamaan doono dhismaha Saldhigu oo aanu ugu soo gudbinaynaa Dadkeena. hadda shaqada hadhay waxa weeye boqolkiiba labaatan ilaa boqolkiiba shan iyo toban (15% ilaa 20%)”ayuu raaciyey Maamulka Shirkadda LLC.

Wariyaha Telefishanka ee Magaalada Berbera Mukhtaar Cabdiraxmaan oo booqday goobta saldhigu ka socdo ee galbeedka magaaladaasi, ayaa soo tebiyey muuqaalo iyo warbixin uu ku soo bandhigay baaxada shaqada ka socota halkaasi.

Saldhiga Milateri ee Magaalada Berbera, ayaa qayb ka ahaa heshiisyada labadii sanno ee la soo dhaafay wada galeen Dawladdaha Somaliland iyo Imaaraadku, kaasoo uu xudun u yahay Maal-gashiga Dekedda Berbera.

Leave a Reply