Dacwada Yaab Noqotay

0
579

Sheekooyinka Dacawadaha yaabka noqday waxa ka mid ahayd markii gabadhi xaflad soo jeed ah oo ay saaxibadeed ku casuuntay ku qabatay huteelada waaweyn midkood. Kharashaka xafladda ee huteelku kula heshiiyay gabadha ayaa noqday 3000 doller.

Haddaba Gabadha ayaa markii xafladii gebgebo ku dhowadahay isku deyday inay la baxsato kharashka lacagta laga rabo. Waxaana ay doonaysay inay ka dhacdo daaqad ku taallay suuliyada huteelka midkooda. Nasiib darro markii ay rabtay inay dhacdo ayay siibtay oo isla markiiba dhulka afka ku dhufatay waxaana ka dhacay ilkaheeda hore qaarkood sida foolasha.

Gabadhaasi ayaa maxkamadda dacawad u gudbisay iyado sheegtay inay sabab u ahaayeen daaqadah liita ee qofka u sahlaya inuu baxsado ama dhaco. Waxaana yaab noqotay markii maxkamaddu kiiska ku riday Huteelka iyo qaabka u dhisan yahay inay sababtay inay gabadhu ku fikirto inay baxsato sidaa awgeedna ay ganaaxday 12 kun doller inay siiyaan gabadha si ay ilkaha ugu gashato, dhaawaca soo gadhayn iska dawayso.

Leave a Reply