Horumarka Iyo Fikirku Waa Lamaane!

0
691

Dalka Japan tirada dadkiisu ayaa kor u dhaaftay 120 malyuun iyadoo baaxadda dhulkiisuna ay ka yar tahay tan dalka Masar. Dalkani malaha khayraad dabiici ah sida batrool, dhuxul dhagax iyo macdanta xadiidka ah. Japan iyadoo aanay khayraadkaasi dabiiciga ah lahayn haddana shacbigiisa mahayso gaajo iyo saboolnimo midkoodna, waana mid ka mid ah saddexda dale e dunida dhinaca dhaqaalaha hogaamiya. Heerka nolosha dadkiisuna waa mid aad u saraysa..

Dalka Japan Waxa kale oo uu dhinaca dhaqaalaha tartan kula jiraa Maraykanka. Japan waxa keliya ee ay ka faa’iidaysataan waa khayraadka muhiimka ee uu haysto oo ah dadkiisa  iyo wakhtiga,  Labadaasi arrimood dhamaan dalalka dunida oo dhami way leeyihiin waana wax ay haystaan . Haddaba Masar oo ka khayraad badan kana dhul balaadhan oo gaasta dabiiciga ah iyo khuadaar badan debeda u dira, dhinaca tirada dadkana  ka yar ayay dadkiisu dhaqaale xumo keentay saboolnimo iyo fakhri ay haystaa..

Horumarku maaha hantida aad haysato laakiin waa sida aad ugu fikirayso khayraadka aad heli karto ka faa’iidaysigiisa.   Kitbaaka. Dr.Mustafe Maxamud

Leave a Reply