Dadka Seexda Waqtiga Ka Yar Toddobada Saacadood Oo Looga Digay Khatar Soo Food Saari Karta.

0
888

Daraasad dhowaan laga sameeyey hurdo yaraanta iyo saamaynta ay ku yeelato caafimaadka dadka  oo ay sameeyeen khubarro ka socotay Machadka King’s Collge ee London ayaa hordhaceedii  lasoo saaray , waxaana khubarrada daraasadan soo saartay ay sheegeen in ay jirto khatar caafimaad oo soo food saari karta dadka seexda mudada ka yar 7 saacadood ah  hurdo yaraantaas.

Waxa ay khubarradani hordhaca daraasadoodan oo ay ku daabaceen wargeyska Daily Nation oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan ku sheegeen in qofka oo seexda muddo ka yar toddoba saacadood ay jidhkiisa fuuli karto barruur aad u badani ama uu noqon karo qof aad u culus jidh ahaan, taasina ay caafimaadkiisa khatar ku tahay, waxa ay sidoo kale sheegeen khubarradani in qofka uu jidhkiisu soo daayo dhecaano kordhiya Omateetka qofka, taas oo keenta in uuwax badan cuno , isla markaana uu aad u naaxo.

Khubarada ayaa tilmaamay in  dadka aadka u buurbuurani ay khatar ugu jiraan xanuuno uu kamid yahay Macaanku, gaar ahaana nooca labaad ee macaanka ee loo yaqaano 2 Diabetes , marka loo eego dadka saacaddaha dhamayska tiran seexda.

Sababta keenta in ay hormoonadan ama dheecaanadan Omateetka  uu jidhku soo daayo ayaa lagu sheegay in ay tahay khal khal ku dhaca jidhka , gaar ahaana maskaxda oo bixisa amaro khaldan oo lagu soo daynaayo Dhecaanadaasi, waxa kale oo iyaguna bata dhecaanadda jidhka ku keena in uu jeclaysto in uu helo macaan badan, taas oo sababta in uu qofku moodo in uu u baahan  macaan , isla markaana uu macaan badan cuno.

Waxa sidoo kale ay hurdo yaraantu  kor u qaadaa  heerka Sonkorta dhiiga ku jirta  oo ay ka dhigto mid aad u saraysa, iyada oo aanu qofku dareemayn ayaanay sonkortaasi kor u kacda.

“ marka aad dareento in aad daalan tahay , waxa ay maskaxdu soo daynaysaa fariimo khaldan oo is daba marsan, kuwaas oo dhecaano badan soo fasaxa, taasina waxay ka dhigta jidhka mid dheecaano aan loo baahnayn soo daaya”. Ayuu yidhi Dr Michael Mosley oo ka tirsan Xarunta nafaqaynta ee Britian.

Leave a Reply