Cunitaanka Xab xabka Oo Looga Digay dadka Xanuunnada Qaarkood Leh.

0
797

Khubarro u dhalatay wadanka Ruushka oo bilihii ugu dambeeyey baadhitaano ku waday Faa’iidada Xab xabka iyo faa’iido daradiisa ayaa soo saaray natiijo hor dhac ah oo ku saabsan daraasadan ay ka sameeyeen Xab xabka .

Khubarradan oo uu hogaaminaayey Dr Sveltana Vos oo ka socday  Russian Dietician  oo qormo kooban oo ku saabsan natiijadda daraasaddan ay  Xab Xabka ka sameeyeen ku daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay  ayaa sheegay in  Xab xabku u wanaagsan yahay caafimaadka dadka, waxaanay ku tilmaameen cunto aad ugu wanaagsan jidhka bani’aadamka.

Khubarradan ayaa sidoo kale daraasadoodan ku xusay in  ay jiraan dad aanu u wanaagsanayn Xab xabku , waxaanay uga digeen isticmaalkiisa dadka leh xanuunadda qaarkood, gaar ahaana xanuunada  ay kamid yihiin Nafaqo darada, Infection-ka ku dhaca Mindhiciradda, dadka Kelyaha ay dhagxaantu kaga jiraan , dadka Qanjidhada qaarkood bukaan, sida Ganaca, Beeryarada iyo Kaadi haysta, waxa kale oo ay isticmaalkiisa uga digeen dadka aanu wanaagsanayn Dheefshiidkoodu.

Waxa kale oo ay khubarradani tilmaameen in Xab Xabku 100% ka kooban yahay biyo, isla markaana uu jidhka u wanaagsan yahay, waxaanay sheegeen in laga helo macdano kala duwan , Fiitamiino iyo waxyaalo jidhka faa’iido badan u leh.

Khubarradan ayaa tilmaamay in Xab xabku sababo in jidhku soo daayo dheecaano kala duwan oo ay kamid tahay Collagen , kuwaas oo aan u wanaagsanayn dadka xanuunadaas leh in uu jidhkoodu soo daayo ama ay ku bataan, kuwaas oo waxyeelo kala kulmi kara dadkaasi.

Leave a Reply