Dhakhaatiirta Dalka Boliifiya Oo Madooyin Hore Loo Mamnuucay U Adeegsaday Daweynta Xanuunka COVID-19.

0
609

Dhakhaatiirta wadanka Bolifiya ayaa daweynta xanuunka Corona Viruse u adeegsaday   maado hore loo mamanuucay isticmaalkiisa, gaar ahaana looga mamnuucay dadka  in lagaga daweeyo xanuunada qaarkood.

Maadadan ay isticmaaleen Dhakhaatiirta dalka Bolivia ayaa lagu magacaabaa  Chlorine Dioxide , waxaana dhawr digniinood hore  uga soo saaray maadadan  Chlorine Dioxide  ururo badan oo kuwa caafimaadka ah , waxa sidoo kale isticmaalkeeda digniino hore kasoo saaray  Hay’adda  Cuntada iyo Dawooyinka ee dalka Maraykanka ee lagu magacaabo UFDA oo macaamiisheeda uga digay in ay khatarta caafimaad ee ay lee dahay maadadani , iyada oo uga digay iibsigeeda iyo cabitaankeedaba, iyada oo loo isticmaalaayo dawo ahaan.

Sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay  magaaladda Cochabamba ee dalka Bolivia ayaa dawladdu u ogolaatay dadka ku nool in ay isticmaali karaan dawadan, waxa sidoo kale isticmaalka maadadan loo ogolaaday dhakhaatiirta magaaladaasi ka hawlgasha , waxaana khubarrada caafimaadka iyo dhakhaatiirta dalkaasiba sheegeen in ay aaminsan yihiin in maadadani u wanaagsan tahay ka hortaga iyo daweynta xanuunka COVID-19.

Goobaha dawooyinka lagu iibiyo ee Farmasiiyadda  oo si weyn loogu iibinaayey maalmihii ugu dambeeyey maadadan  ayaa dadka ka iibsanaaya ee muwaadiniinta ah u sharaxaayey  Maadadan  iyo habka loo isticmaalaayo .

Leave a Reply