Samaynta Talaalka Xanuunka Corona Viruse Ee Ay Iska Kaashadeen Dawladdaha Chine Iyo Brazil Oo Gebo Gebo Maraaya.

0
676

Talaalka Xanuunka Corona Viruse ee ay iska kaashanayaan samayntiisa dawladdaha Brazil iyo Chine ayaa waqtigan galay marxaladihii ugu dambeeyey  ee samayntiisa, waxaana la filayaa in uu dhowaan dhammaado, isla markaana la bilaabo tijaabadiisa, waxaana la rajaynayaa in uu soo afjaro  xanuunkan Faraha baas ku haya caalamka ee Covid-19.

Sida lagu daabacay wargeyska Indian Times oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  talaalkan oo ay samaysay shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha oo gaar loo lee yahay, sidoo kalena ay gacan ka geysatay shirakd laga lee yahay dalka Brazil ayaa waqtigan ah mid galay marxaladii saddexaad ee samayntiisa , taas oo marxaladan ka dhigaysa marxaladii ugu dambaysay , waxaana lagu tijaabin doonaa dad loogu talo galay in lagu tijaabiyo.

Shirkadda Talaalkan samaynaysa oo lagu magacaabo Sinovac Biotech  oo warbixin kasoo saartay Talaalkan ay gacanta ku hayso ayaa sheegtay  in ay waqtigan taariikhda ku gelayaan khubarradeedu samaynta Talaalkan, isla markaana ay doonayaan in ay badbaadiyaan nafaha malaayiin qof oo caalamka ku nool oo qaarkood ay la ildaran yihiin xanuunkan, kuwo kalena ay qarka u saaran yihiin ama halis ugu jiraan in xanuunkani ku dhaco, sida uu sheegay  masuul ka tirsan  cisbitaalka weyn ee Sao Paulo Clinical Hospital.

9,000 oo qof  oo shaqaale ka ah lix dawlad degaan oo ka tirsan wadanka Brazil ayaa la rajaynayaa in lagu tijaabiyo dawadan ama Talaalkan  Corona Viruse loogu talo galay , waxaana tijaabadiisu socon doonta saddexda bilood ee soo socota  sida ay masuuliyiinta shirkaddani tilmaamen, waxaana natiijadiisa rasmiga ah la ogaan karaa muddo 90 cisho gudahood ah marka qofka lagu muddo.

Shirkadda Sinovac ayaa sheegtay  in haddii uu talaalkani noqdo mid hirgala loo ogolaan doono shirkadda Butantan  oo hoos tagta machadka Butantan Institute  in ay soo saarto 120 Milyan oo quraaradood oo talaalkan ah , kuwaas oo heshiis lagu kala qaadan doono.

Leave a Reply