Masaajidka Hagia Sophia Ee Turkiga Iyo Taariikhda Ku Duugan

0
992

Qalinkii: Rashiid Odawaa

Magaca Hagia Sophia (Aaya Sofia) waxa uu ka soo jeedaa Afka Romanka waxana uu macneheedu ahaa Xikmaddii Barakaysnayd waxana dhiskan bilaabay boqortooyadii Romanka,hase ahaatee 537kii ayaa waxa ka qabsaday magaaladan oo la odhan jiray Constantine(Istanbuul) Griigga waxana dhismahan laga dhigay Kiniisad Orthodox ah waxau xuddun u noqotay dadka Kiristanka ah ee haysta Madhabtaa.

1534kii ayaa Ciidamo uu hoggaaminayay  Maxamed al-Fatix oo ka socda Dowladii Cusmaniyiinta waxay xoog ku qabdsadeen Magaalada Conssta –ntine imikana ah Istanbuul waxay Muslimiintu u bedeleen dhismahaas masaajid muddo 500 oo sano ah ayuu ahaa masaajid,arrintaasi waxay cadho aan marna dam in ku aburtay dadka  Kiristanka

Hase ahaatee Markii uu xukunka qabsaday Madaxweynihii Cilmaniga ahaa ee Mustafa Kamaal Attaturki ayaa waxa uu u xidhay Aagga uu Masaajidku ku yaallo 1934kii Madxaf lagu kaydiyo agabka taariikhiga ah waxana uu ku raalli gelinayay dad Kiristanka ah arrintaasi waxay istan buul  oo kolka horeba ah xadka kala qaybiya Qaaradaha Aasiya iyo Yurub ka dhigtay xarun loo dalxiis yimaaddo waxana gacan ku haynta la wareegay haydda dhaqanka UN ee UNESCO,sidaas ayayna ku ahayd 86sano madxaf illaa laga soo gaadhay hadda oo uu talada dalka hayo madaxweyne Erdoqan.

Bishan horraanteedii ayaa Maxkamad ku taalla waddanka Turkigu xukuntay in loo celiyo dhismahan Mar kale Masaajidkii ay markii hore ahayd si loogu cibaadaysto,Racep Dayib Erdogan oo boqolaal dad ah kula tukanayay maanta Jimcihii masaajidka gudihiisa isla markaana kumanaan kale debedda kala socdeen khudbadda ayaa sheegay inay kolka hore khalad ahayd in Masaajidka laga dhigo Madxaf.

Meelo badan ayaa eedayno uga imanayan Erdoqan iyadoo la leeyahay wuxuu uga faa’iidaysanayaa inuu dadka ku soo jiitto isagoo haatan 17sano xukunka haystay.isagoo dhinaca kale hoos u dhac dhaqaale ku keenaya waddanka Turkiga oo kolka horeba uu Saameyay Caabuqii Covid 19 waxa meesha ka baxay  dhaqaalihii ka soo geli jiray dalxiiska waxa Istanbuul u dalxiis iman jiray 3.7 milion,sidaas darteed waxay leeyihiin goobtani waxay ahayd meelaha loo dalxiis yimaaddo ee lagu nasto.

Waxa la xidhay waddooyinka soo gala Masjidka illaa habeen hore si loogu sii diyaariyo dadka ku tukan doona oo aad u faro badan.Hogaamiyaasha diimaha ee Waddamada Maraykanka,Yurub iyo Ruushka ayaa walaac ka muujiyay beddelidda dhismahan loo celiyay Masjidka halka ay Griigga oo la jaar ah Turkigu iyagu ku tilmameen in arrintani tahay tahay Gardarro iyo daan daansi ilbaxnimada Addunka.

Hay’adda dhaqanka u qaabilsan Jimciyadda qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa ku tilmaantay arrin laga xumaado iyadoo aan turkigu wada hadal hore ka gelin inay arrintan ku kaceen.Erdoqan ayaa isagu ku adkaystay inay arrintan u madax banaanyihiin xaqna ay u leeyihiin.waxa kaloo uu ku adkaystray in imikaba loo ogolyahay inay dadku diinta ay doonaan ha haystaan ay iman karaan oo ay soo booqan karaan iyadoo la raaciyo akhlaaqda islamka.

Waxa lagu goglay roogag buluug ah oo aad u qurux badan waxa kaloo la doboolay ama daahyo lagu xidhay waxyaabihii muujinayay dhaqanka Kiristaanka.arrintani waxay farxad gelisay oo soo dhaweeyay dadka muslimka ah.oo u arka guul wayn iyo taariikhdodii oo soo noolaatay.

Maanta oo jimcaha ayaa waxa la xadiiday baabuurta waxana dadka loogu baaqay inay soo lugeeyaan oo ay baaburta meelo fog kaga yimaaddan, aagga masaajidku ku yaallo oo ah dhul aad u ballaadhan ayaa waxa uu badhasaabka Istanbuul  “Ali yerlikaya” uu dadka ugu baaqay inay afar arrimood la yimaaddan masajidka mkuwaas oo kala ah “ Masks,sijaayado.Samir iyo is dhegeysi”.

Waxa heegan la geliyay 736 shaqaale caafimaad ah,101 Anbalaasyo ah iyo dayuuradaha Helikopterka ah si ay u ilaaliyaan haddii cid dhibi soo gaadho.

 

Rashiid Odawaa

Khadarsalaan@gmail.com

Leave a Reply