Somaliland : Xafiisyada Nootaayooyinka oo looga Digay inay sameeyaan Qoraallo lagula kala Wareegayo Hantidda Dowladdu leedahay

0
741

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa ka digtay in xafiisyada Nootaayooyinka sharcigu ay sameeyaan qoraallo iyo dhukumantiyo sharci oo dadka loogu kala wareejinayo hanti dowladdu leedahay, tallaabadaas oo ay wasaaraddu ku sifeysay inay tahay mid sharcidarro ah.

Sidaasina waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Somaliland, oo soo baxay maalintii Khamiistii, laguna socod-siiyay Nootaayooyinka dalka isku duwayaasha wasaaradda cadaaladda ee goboladda dalka, lana ogaysiiyay agaasimaha waaxda mihnadlayaasha sharciyada iyo marin u helidda cadaaladda, maayiradda degmooyinka dalka, xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta , wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan.

Ujeedo Reebanaanta kala Wareejinta Hantidda Dowladda ee Nootaayooyinka.

“Mudanayaal anaga oo tix-raacayna qoraal naga soo gaadhay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ee sumaddiisu tahay HAN/GQ/07/068/2020 kuna taariikhaysan 18 July 2020, kaas oo tilmaamaya in Nootaayooyinka Sharciga ah qaarkood ay u qoraan dadwaynaha kala wareejin aan sharci ahayn oo ay ku samaynayaan hantidda dowladda, waxaa laga bilaabo Maanta (Maalintii Khamiistii) oo ay taariikhdu tahay 23/7/2020, Nootaayada u kala wareejisa dadweynaha Hanti Dowladeed, waxaa laga qaadi doona tallaabo Sharciga waafaqsan, iyada oo loo raaci doono Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr 18/2001″

Sidaasi darteed waxaa lagu adkaynayaa Nootaayooyinka in ay ka digtoonaadaan in ay markhaati ka noqdaan falal aanu oggolayn”
Ayuu ku yidhi qoraalkaasi agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Iscaaciil.
ALLAA MAHAD LEH

Image may contain: text that says 'JAMHUURIYADDA SOMALINAD WASAARADDA CADDAALADDA REPUBLICE OFSOMALILAND MINISTRY JUSTICE DIRECTOR Ee Marin WC/XAG/G-04 Hargeysa Telefishanka Dhammaan Nootaayooyinka vayaasha Wasaaradda Mihnadlayaasha Maayarada Degmooyinka Dalka Dhawrka Og: Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Og: Wasaaradda Hawlaha Wasiirka Wasaaradda Og: Madaxweynaha Cadaaladda 23/07/2020 Hargeysa Hargeysa Hargeysa Hargeysa Hargeysa Fadhiyadooda Hargeysa Hargeysa Hargeysa Hargeysa Hargeysa Dhulka Guriyeynta Somaliland UJEEDDO: Reebbanaanta Kala-wareejinta Mudaneyaal, Dawladda Nootaayooyinka taariikhdu gaadhay 7/068/2020 aarkood darteed markhaati noqdaan ti-dhawrka Guud 2020 dadweynaha nootaayada gabilaabo wareejisa adweynaha waafaqsan iyada 18/2001. adkaynayaa sharcigu oggalayn. ALLAA MAHAD digtoonaadaan Cabdiraxmaan Sheekh Agaasimaha Ismaaciil ee Wasaaradda Cadaaladda de.moj@sideov.en'

Leave a Reply