Garaad Jaamac oo Baaq Nabadeed u Diray Beelihi ku Diriray Adhi-caddeeye

0
518

Laascaanood (Dawan) Garaad Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, kana mida madax dhaqameedka waa weyn ee reer Somaliland ayaa ugu baaqay laba beelood oo walaalo ah oo diri ku dhexmartay deegaanka Adhi Caddeeye in ay colaada joojiyaan.

Garaadku waxaa uu intii dhimatay ILLAAHEY uga baryay in uu janooyinkiisa geeyo, isaga oo inta dhaawactayna ILLAAHEY uga baryay in uuu u booga dhayo.

Garaadku waxaa uu sheegay in dagaal wiil uu ku dhinto ee aanu wiil ku dhalaan, waxaanu beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada degan ee dirirtu dhexmartay u soo jeediyay in ay qoriga dhigaan oo ay nabada qaataan “Waxaan halkan baaq nabadeed uga diraya colaada xalay ka soo cusboonaatay gobolka Sool magaalada Adhi-caddeeye, oo Laascaanood u jirta ilaa dhawr iyo labaatan kilo mitir, waxaaanu leenahay colaadaasi hala joojiyo, nabad wax dhaanta ma jirto, labadaasi beelood ee Adhi-caddeeye wada jooga waa dad wada dhashay oo walaalo ah weeye, dilku yaanu halkaasi dhaafin, intii dhimatayna ILLAAHEY haw naxariisto, inta dhaawacantayna ILLAAHEY how booga dhayo, waxaan leeyahay colaadaasi hala joojiyo, colaad wiilba ku dhintee wiil kuma dhasho, dhibkuna intaasi uu markaa taagan yahay ayuu ugu yar yahay ee halkaasi halagu qaboojiyo”

Leave a Reply