Roob Mahiigaana oo ka Da’ay Magaalada Ceerigaabo.

0
581

Hargeysa (Dawan)-Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxa maanta ka da’ay roob mahiigaan ah oo bulshada magaaladaas ku dhaqan iyo agagaarkeeduba ay ku qabawsadeen.

Sida uu ku soo waramayo wariye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo warbaahinta Dawladda uga soo warama gobolka Sanaag, magaalada Ceerigaabo waxa ka da’ay roob mahiigaan ah oo aad u xoog badan isla markaana soo rogay daad badan, roobkaas oo da’ayey muddo ka badan saddex saacadood.

Inta ilaa hada la ogyahay roobkaasi wax khasaare ah muu geysan, inkasta oo uu kala xidhay isu socodka magaaladaas isla markaana uu galay guryo badan oo kala duwan, waxayna dadka magaaladaasi ku diirdsadeen raxmadaa Eeebbe u curatay.

Leave a Reply