Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Ku Baaqay In Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Dastuurka

0
1520

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, ayaa ku baaqay in wax ka bedel lagu sameeyo awoodaha uu dastuurka Somaliland siiyay madaxweyne ku-xigeenka.

Waxaanu sheegay in ay aad u xadidan yihiin hawlaha shaqo ee uu dastuurka siiyay madaxweyne ku-xigeenka, isla markaana ay aanu madaxweyne ku-xigeenku haysan meel uu ku gudbiyo wixii tallo iyo fikrad ah ee qaranka u dan ah.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sidan ka sheegay  hadal uu maanta  ka jeediyay munaasibad lagu xusayay toban guurrada ka soo wareegtay markii xisbiga Kulmiye uu talladda dalka ku guulaystay sanadkii 2010-kii, oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu ku dooday in haddii aan arrintaasi wax ka bedel lagu samaynin in ay tahay caqabad ay la kulmi doonaan qof kastoo soo mara kursiga madaxweyne ku-xigeenka ee Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Madaxweyne ku-xigeenka dastuurka ayaan wax badan siinin. Waxaan is leeyahay qaranka Somaliland aqoon yahankiisa, iyo marka hawsha dib loo eego.

Madaxweyne ku-xigeenka xilkiisa iyo dastuurkiisa, halkaa Madi-nimo ayaa ku jirtee, cid waliba way soo mari doontaaye, in wax laga saxo ayay u baahan tahay”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Sababtoo ah, qofka wax kastoo ku jira, meel uu mariyo ma helayo ninka madaxweyne ku-xigeenka ahi.

Wax kastoo ku jira, caqli, garraad, wax kastoo maskaxdiisa ku jira, meel uu mariyo ninka madaxweyne ku-xigeenka ahi ma helayo”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

C/raxmaan Saylici, oo hadalka sii wataya waxa uu sheegay in hadii la doonayo in qaranka Somaliland uu noqdo mid ay si buuxda u wada maamulayaan madaxweynaha iyo ku-xigeenku in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka.

“Sababtoo ah waxaa qariyay dastuurka. Markaa waxaan leeyahay halkaa inta madinimadda halaga saaro qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Dastuurka wax halagaga noqdo xagga madaxweyne ku-xigeenka, danta qaranka ayay tahay. Anigu waaban ka dhamaystay, oo waan ka sii socdaa. Laakiin, ninkastoo halkan (xafladda) fadhiya qaar baa noqon kara, ilmihiinaa noqon kara.

Sidii qarankani laba qof oo is-taageertaa, oo tallo iyo tusaale isku biirisaa ay u iman lahaayeen, oo qaranku u dhismi lahaa, halaga wada fikiro” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply